Israel ayaa lumisay taageerada inta badan shacabka Talyaaniga, ka dib markii ay si adag uga horyimaadeen xasuuqeeda Gaza iyo taageerada ay Dowladda Talyaaniga ku bixineyso gumaadka lagu hayo Falastiiniyiinta Gaza.
Israel ayaa sii hurisay carrada shacabka Talyaaniga, ka gadaal markii ciidamadeeda ay Khamiistii weerar ballaaran ku qaadeen in ka badan 40 doomood oo gargaar bani’aadantinimo u waday dadka Gaza. Ciidamada Israel ayaa xilligaasi xabsiga u taxaabay in ka badan 450 qof oo la socday doomahaasi, isla-markaana ay ku jiraan siyaasiyiin u dhashay dalka Talyaaniga iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi.
Israel ayaa lagu eedeeyay in ay afduub u gaysatay dad si nabdoon gargaarka ku gaarsiinayay Marinka Gaza, isla-markaana ay ku xadgudubtay xorriyadda socdaalka ee sharciga caalamiga ah. Dhacdadan ayaa keentay in dalalka reer galbeedka ay ka dhacaan mudaaharaadyo ka dhan ah ku tumashadeeda joogtada ah ee shuruucda caalamiga ah.
Dalka Talyaaniga waxaa maalmahaanba ka socday dibadbaxyo ballaaran, oo dadka dalkaasi ay ku muujinayaan, sida ay uga carreysan yihiin habdhaqanka aan la aqbali karin ee Israel.
Xukuumadda ay hoggaamiso Raysal Wasaare Giorgia Meloni ayaa Talaadadii shalay sheegtay in aan maalintaasi dalka laga dhigi karin wax mudaaharaad ah, si loo xuso Israeliyiintii lagu dilay weerarkii Xamaas ay 7-dii bishii October ee sanadkii 2023 ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho ee horey looga xoogay shacabka Falastiin.
Amarkan ay dowladdu ku hakisay dibadbaxyadii Talaadadii la qorsheeyay, maadaama ay ku beegneyd sanad guurada labaad ee ka soo wareegatay weerarkii October 7 ayaa waxaa ka soo horjeestay shacabka dalkaasi qaarkood, waana xilli ay aad uga carreysan yihiin in qaar ka mid ah dadkoodii ay Israel xirtay aan weli la soo sii deynin, isla-markaana ay ku sii hayso xabsiyadeeda.
Shacab isugu jira dad ka carreysan muwaadiniintooda u xiran Israel iyo kuwii markii horeba u ololeynayay in Falastiin ay xorowdo ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalooyinka qaar ee dalkaasi, taasoo keentay inay isku dhacaan ciidamada amniga.
Isku dhacaan ayaa imanaya, ka dib mudaaharaadkii ay rabshadaha hareeyeen ee Sabtidii ka dhacay Caasimadda Rome.
Tiro dad ah oo ay ku jiraan saddex Saxafi ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen mudaaharaadkii Talaadadii ka dhacay dalkaasi.
Safiirka Israel ee Talyaaniga, Jonathan Peled ayaa sheegay in ay iyagu masuuliyiinta Talyaaniga ka codsadeen in la joojiyo mudaaharaadkii shalay, iyadoo laga hortagayo in la bogaadiyo buu yiri xasuuqii October 7.
Dadka horkacaya mudaaharaadayaasha Talyaaniga ayaa Warbaahinta gudaha ka sheegaya in weerarkii 7-dii October uu yahay natiijada ka dhalatay xasuuqa ay Israel muddada dheer ku haysay shacabka Falastiin iyo diidmadeeda ka dhanka ah xuquuqda ay u leeyihiin inay u noolaan sida Israeliyiinta oo kale.
Dowladda ayaa cadaadis xoog leh kala kulmeysa shacabka dalkaasi, oo culeys ku saaraya in xiriirka diblomaasiyadeed loo jaro Israel, si loogu ciqaabo xasuuqa ay labada sano ka waddo Marinka Gaza iyo in la aqoonsado Falastiin.
Dhanka kale Raysal Wasaare Giorgia Meloni ayaa sheegtay in dacwad ka dhan ah iyada iyo laba ka mid ah Wasiiradeeda loo gudbiyay Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC), iyadoo lagu eedeynayo inay taageereen xasuuqa Israel ee Gaza, isla-markaana ay Israel siiyeen hub ay xasuuq kaga gaysatay Gaza.
Waxay sheegtay in Wasiirka Difaaca, Guido Crosetto iyo kan Arrimaha Dibadda Antonio Tajani ay yihiin kuwa lala soo eedeeyay.
“Waxaan u malaynayaa in sidoo kale uu nagu la jiro Roberto Cingolani, Madaxa Kooxda Difaaca ee Leonardo.” Ayay tiri Giorgia Meloni oo wareysi siisay Telefishinka Dowladda ee RAI.
Giorgia Meloni ayaan sheegin cidda dacwadda ka dhanka ah u gudbisay Maxkamadda ICC.
Dowladda midigta fog ee Giorgia Meloni ayaa billihii la soo dhaafay lagu cambaareynayay wax ka qabasho la’aanteeda dembiyada dagaal ee Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza.
Giorgia Meloni oo 24-kii bishii September khudbad ka jeedisay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa si la yaab leh waxay Israel ugu eedeysay in ay ka gudubtay khadka dagaalka, waxayna sheegtay in waxa Tel Aviv ay ka waddo Gaza aan la dhihi karin is difaac.
Giorgia Meloni ayaa xilligaasi ku hanjabtay in ay cunaqabateyno ku soo rogi doonto Israel, laakiin illaa iyo hadda ma aysan jarin xiriirka ganacsiga iyo midka diblomaasiyadeed ee Israel.
Giorgia Meloni oo mar sii horreysay hadleysay ayaa sheegtay in aysan isla jaanqaadi karin iyaga iyo Israel, tani oo loo qaatay in ay qorsheynayso cunaqabateyno ay tahay in lagu soo rogo Tel Aviv, si loo dejiyo dareenka kacsan ee shacabka dalkaasi.