Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay wada hadalada Israel iyo Xamaas oo meel xasaasi ah maraya

Wararkii ugu dambeeyay wada hadalada Israel iyo Xamaas oo meel xasaasi ah maraya

by Laacib

Wada hadalada u dhaxeeya Israel iyo Xamaas ee la xiriira qorshaha Madaxweyne Donald Trump ee xabad joojinta Gaza ayaa maalintii saddexaad ka socda Magaalada Sharm El-Sheikh ee dalkaasi Masar.

Dowladaha Masar iyo Qatar ee marti-geliya wada hadalada lagu dhexdhexaadiyo Xamaas iyo Israel ayaa rajo badan ka qaba in la gaari doono heshiis ku saabsan waqtiga xabad joojinta laga sameynayo Marinka Gaza iyo in si dhakhsa ah loo sii deyn doono dhammaan maxaabiista labada dhinac ee ay tahay in lagu sii daayo wejiga koowaad ee heshiiska, sida ku cad hindisaha nabadda Gaza ee toddobaadkii hore uu soo jeediyay Madaxweynaha Mareykanka.

Wada-xaajoodyada Sharm El-Sheikh ayaa sidoo kale la doonaya in is faham buuxa lagaga gaaro afar weji oo kale, oo daba socda midka koowaad, isla-markaana si toos ah loogu soo afjarayo dagaalka Gaza.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa xaqiijisay in sharaxaad dheeri ah laga soo saari doono qodobada qaar ee qorshaha Madaxweynaha Mareykanka, oo sida ay sheegtay u baahan in la faah faahiyo.

Raysal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani oo ku sugan magaalada ku taala Badda Cas ee kulamada dhexdhexaadinta ay ka socdaan ayaa goor sii horreysay sheegay in qodobada uu soo bandhigay Madaxweyne Trump ay qaarkood u baahan yihiin in la caddeeyo.

Trump ayaa soo bandhigay qorshe ka kooban 20 qodob, oo sida uu sheegay muhiim u ah in xabad joojin waarta laga sameeyo Gaza.

Majed Al Ansari, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa sheegay in dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ay diiradda saarayaan in la maareeyo caqabadaha dhaawici kara hirgelinta qorshaha Trump, iyadoo si dhab ah loo abaarayo xalka, si aanu dib dambe ugu bilaaban dagaalkan.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in arrimaha illaa iyo hadda laga wada hadlay ay ka mid yihiin is dhaafsiga maxaabiista, gargaarka la gaynayo Marinka Gaza iyo in ciidamo caalami ah la geeyo Gaza.

“Waxyaabaha qaar waa laga wada hadlay, waxyaabo kalena way dhiman yihiin.” Ayuu yiri Afhayeenka oo xusay in dhammaan dhinacyada ku lugta leh wada hadalada ay taageersan yihiin qorshaha Trump ee nabadeynta Gaza.

Majed Al Ansari ayaa intaasi ku daray in Doha ay dhankeeda sii riixi doonto wada hadaladan, illaa ay ka guuleystaan.

Kulamada lagu dhexdhexaadinayo Israel iyo Xamaas ayaa la sheegay in ay si toos ah ugu lug leeyihiin Qatar, Masar, Mareykanka iyo Turkiga.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa muujiyay inaanan laga tagi doonin Sharm El-Sheikh, illaa iyo inta wada hadalada ay ka mira-dhalayaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc