Kolonyo badan oo gargaar sida, isla-markaana u raran Qaramada Midoobey ayaa maanta gudaha u galay Marinka Gaza, ka dib xabad joojintii lagu heshiiyay ee Jimcihii ka dhaqangashay Gaza oo dhan.
Kolonyada gargaarka ayaa ka soo gudbay Isgoyska Rafah ee u dhaxeeya Masar iyo Gaza, iyagoona gudaha u galay deegaanada koonfureed ee Marinka Gaza.
Gaadiid kale oo aad u badan, isla-markaana gargaar sida ayaa safaf ugu jira xadka Gaza iyo Masar, iyagoo sugaya in la fasaxo.
Ciidamada Israel ee ku sugan Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor ee kala qaybisa Gaza iyo Masar ayaa hubinaya gaadiidka, ka hor aan loo fasixin inay galaan Gaza.
James Elder oo ka tirsan Saraakiisha Hay’adda UNICEF ayaa Israel ugu baaqay inay furto marino badan oo gargaarku uu ka soo galo Gaza.
“Waa wax aad u fudud waxa ay Israel u baahan tahay inay sameyso, oo ah inay furto isgoysyo badan oo aan ahayn in hal keliya la furo.” Ayuu yiri James Elder oo BBC la hadlay.
“Waxaa jira shan ama lix isgoys ay Israel furi karto oo baabuur badani ay mari karto. Waad ogtahay 1,000 baabuur kuma wada socon karaan hal waddo, iyadoo la helayo meelo badan oo la mari karo.” Ayuu yiri James Elder.
Wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza ee qorshaha Madaxweyne Donald Trump ee lagu soo afjarayo colaadda Gaza ayaa waxaa qayb ka ah in boqolaal gaadiidka gargaarka ah ay maalin kasta galaan Marinka Gaza.
Heshiiska ayaa sidoo kale taageeraya in qalabka dhismaha iyo gaadiid badan oo cagaf-cagaf ah la geeyo Gaza, iyadoo la bilaabayo dib-u-dhiska Marinka Gaza.
Cagaf-cagafyada ayay tahay in loo adeegsado nadiifinta burburka baahsan ee ka dhashay labadii sano ee dagaalku uu socday.
Qorshaha labaatanka qodob ka kooban ee Madaxweyne Trump uu soo bandhigay daba-yaaqadii bishii September ayaa waxaa ku jira qodob caddeynaya in Falastiiniyiinta Gaza ay dib ugu laaban doonaan guryahooda, dib-u-dhisna lagu samayn doono.