Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa dadaal ugu jira in Israel ay xabsiyadeeda ka sii deyso Saraakiil Falastiiniyiin, oo ay dooneyso in lagu sii daayo qorshaha ay maxaabiista isku dhaafsanayaan iyaga iyo Israel.
Xamaas iyo Israel ayaa waaberigii hore ee Khamiistii saxiixay wejiga koowaad ee qorshaha Madaxweyne Donald Trump ee lagu dhameynayo dagaalka Gaza. Heshiiska ayaa waxaa ku jira in Xamaas ay sii deyso dhammaan maxaabiista Israeliyiinta, sidoo kalena ay wareejiso meydadka kuwii dhintay. Israel ayaa iyaduna laga doonayaa in ay xabsiyadeeda ka sii deyso ku dhawaad laba kun oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan in ka badan laba boqol oo kuwa xabsi daa’inka ku xukuman ah.
Saraakiisha Siyaasadda Xamaas ayaa dhawaan dalalka dhexdhexaadiyeyaasha u gudbiyay liis ay ku qoran yihiin magacyada Falastiiniyiinta ay doonayaan in la sii daayo, iyagoona liiska dadkaasi ku soo daray xubno ay ka mid yihiin Marwan Barghouti, Ahmad Saadat, Hassan Salameh iyo Abbas Al Sayed.
Israel ayaa diidan in ay sii deyso xubnaha caanka ah ee ay Xamaas soo gudbisay in lagu sii daayo heshiiska is dhaafsiga maxaabiista ee labada dhinac, iyadoona Wasaaradda Caddaaladda Israel ay soo saartay liiska 250 maxbuus oo xabsiyada culus ku xukuman ah oo lagu wado in la sii daayo, kuwaas oo laga reebay saraakiisha ay Xamaas dalbatay in xabsiyada Israel laga sii daayo.
Wararka ayaa sheegaya in Xamaas ay Israel ku cadaadineyso in liiska dadka la sii deynayo lagu soo daro Marwan Barghouti, Ahmad Saadat iyo xubnaha kale ee ay horey magacyadooda u soo gudbisay.
Saraakiisha Xamaas ayaa la sheegaya in ay dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ku riixayaan in Israel laga dhaadhiciyo inay sii deyso xubnahaasi amaba xitaa laba ka mid ah.
Dalabka Xamaas iyo diidmada Israel ayaa laga yaabaa inay carqaladeyso qorshaha Madxweynaha Mareykanka ee dhabaha u xaaraya in xabad joojin waarta laga sameeyo Marinka Gaza, inkastoo saraakiisha ku lugta leh wada-xaajoodyada dhinacyada aysan wax baqdin ah ka qabin in heshiisku uu burburi karo.
Madaxweyne Trump ayaa Israel iyo Xamaas ku cadaadinaya in ay u diyaargaroobaan, sida la qorsheeyayba in maxaabiista la sii daayo Isniinta.
Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa sheegay in uu socdo diyaargarowgii ugu dambeeyay ee lagu sii deynayo maxaabiista.
Ma jirto cid sheegi karta in Israel ay xorriyaddooda dib u sii doonto xubnaha ay Xamaas dadaalka ugu jirto in la sii daayo iyo in kale.
Shaqaalaha Laanqeyrta Cas ayaa noqon doona kuwa kala gudbin doona maxaabiista labada dhinac ee la sii daayo.