Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray Magaalada Addis Ababa ayaa halkaasi kula kulmay Raysal Wasaare Abiy Ahmed.
Raysal Wasaaraha Itoobiya oo Garoonka Diyaaradaha Bole ku soo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yeeshay kulan gaar ah.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada dal, iyadoo la dhiirigelinayo iskaashiga horumarineed ee ku salaysan deris-wanaagga iyo is ixtiraamka, si waafaqsan danaha wadajirka ah ee labada dal, madaxbannaanida iyo midnimada dal kasta.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.
Warka ayaa intaasi ku daray “Madaxweynaha ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay xasilloonida gobolka iyo mideynta dadaalada lagu ciribtirayo argagixisada, waxa uuna sheegay in Somaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta iskaashiga heer gobol ee ku aaddan nabadda, deris-wanaagga iyo adkaynta xasilloonida.”
Ilo wareedyo ayaase sheegaya in labada hoggaamiye ay si dhow uga wada hadleen khilaafka siyaasadeed ee Dowladda Soomaaliyeed kala dhaxeeya Dowlad Goboleedka Jubbaland, iyadoo Itoobiya ay kumanaan askari ka joogaan Gobolka Gedo.
Dowladda uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamiyo ayaa isku diyaarineysa in ay gobolkaasi ka dhisto maamul cusub oo Jubbaland ah, kaas oo Villa Somalia ay aqoonsan tahay, ka dib is mari-waaga hareeyay kulankii Madaxweynuhu uu toddobaadkii hore ee Magaalada Kismaayo uu kula yeeshay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Safar Madaxweynuhu uu ku tegay Kismaayo ayaa laga qabay rajada ah in sanad ka dib la soo afjari karo khilaafka siyaasadeed ee labada dhinac, waxaase dad badani madax xanuun ku riday natiijo la’aanta uu wada hadalkoodu ku soo dhammaaday.
Villa Somalia ayaa ku andacooneysa in ay Axmed Madoobe siisay fursad uu dib ugu soo laaban karo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, si loo mideeyo Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka, Baarlamaanka iyo tan Madaxda Dowlad Goboleedyada, oo si toos ah ay dadweynuhu u soo dooranayaan, balse uu Axmed Madoobe ka horyimid, Dowladda Federaalkana uu weydiistay in la aqoonsado madaxtinimadiisa Jubbaland, si uu ula sii shaqeeyo.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Raysal Wasaare Abiy Ahmed ka dalbaday in aysan Militariga Itoobiya carqaladeyn qorshaha ay dowladdu dadka reer Jubbaland ugu dhiseyso maamulka cusub.
Villa Somalia ayaa qorsheynaysa in Jubbaland-ta cusub laga dhiso Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, iyadoo magaaladan ay ku sugan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah oo qayb ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Qorshaha lagu dhisayo Jubbaland-ta cusub ayay dadku u arkaan mid sii hurineysa xiisaddii siyaasadeed ee muddooyinkanba ka jirtay dalka.