Wariye Saleh Al Jafarawi ayaa caawa fiidkii lagu dilay Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza.
Kooxo ay Israel hubeyso ayaa la sheegay inay ku dileen xaafadda Sabra ee magaaladaasi.
Dilkiisa ayaa la sheegay in ay ka naxeen Wariyeyaasha ka hawlgala Marinka Gaza.
Wararka ayaa sheegaya in Saxafigan la dilay, xilli Xoogaga Xamaas iyo kooxaha ay Israel bari-taarto uu iska horimaad ku dhex maray koonfurta Magaalada Gaza.
Ninka Saxafiga ah ayaa halkaasi u tegay, si uu uga soo waramo iska horimaadkii halkaasi ka dhacay.
Saleh Al Jafarawi ayay dadku aad ugu barteen tebintiisii dagaalada Gaza, wuxuuna marar badan sheegay in uu hanjabaado kala kulmayo Israel, shaqadiisa awgeed.
Al Jafarawi oo 28 jir ahaa ayaa noqonaya Saxafigii ugu horreyay ee lagu dilo Gaza, tan iyo markii xabad joojinta lagaga dhawaaqay Jimcihii.
Hay’adda Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ee OHCHR ayaa sheegtay in 250 Saxafi lagu dilay Marinka Gaza, muddadii uu dagaalku socday.
Tani ayaa ka dhigeysa shaqaalihii ugu badnaa ee Warbaahineed ee taariikhda lagu dilo goob qura, muddo laba sano ah.