Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa maanta sii daayay dhammaan maxaabiista Israeliyiinta ee nool, iyadoo si buuxda loo dhaqangelinayo wejiga koowaad ee qorshaha Madaxweyne Donald Trump ee lagu dhameynayo dagaalka Gaza.
Xamaas ayaa 20 maxbuus oo nool ku wareejisay Shaqaalaha Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas, kuwaas oo u qaaday xuduudaha Israel, halkaas oo militarigu uu kula wareegay.
Xamaas ayaa sidoo kale waxay goor sii horreysay oo maanta ah ay Shaqaalaha Laanqeyrta Cas ku wareejisay meydadka laba Israeliyiin ah, iyadoo galabtana wareejisay lafaha laba kale.
Israel ayaa aaminsan in Xamaas ay weli gacanta ku hayso meydadka 24 kale, kuwaas oo sida la sheegay ay waqti qaadan doonto in la wareejiyo, maadaama ay ku hoos jiraan burburka dhismayaashii ay diyaaradaha dagaalka Israel burburiyeen.
Xamaas, Israel iyo dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ayaa isla gartay in lafaha dadkaasi la soo wareejiyo, xilliga ugu dhow ee ugu macquulsan ee ay suurtagasho.
Dhanka kale Israel ayaa waxay dhankeeda bilowday inay sii deyso maxaabiista Falastiiniyiinta ee lagu heshiiyay in lagu sii daayo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga ee labada dhinac.
Israel ayay tahay inay xabsiyadeeda ka sii deyso ku dhawaad laba kun oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo lagu bedelanayo maxaabiistii lagu hayay Gaza ee maanta la sii daayay.
1,700 Falastiiniyiin ah oo Ciidamada Israel ay ka qabqabteen Marinka Gaza ayaa ka mid ah maxaabiista lagu heshiiyay in lagu sii daayo heshiiska is dhaafsiga maxaabiista.
Israel ayaa liiska maxaabiista xabsiyada dhaadheer ku xukuman ka reebtay saraakiishii ay Xamaas dalbatay in ay qayb ka noqdaan heshiiska maxaabiis is dhaafsiga.