Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo gelinkii dambe ee maanta gaaray dalkaasi Masar ayaa goor dhow Magaalada Sharm El-Sheikh ka furay shirka caalamiga ee lagu taageerayo xabad joojinta Marinka Gaza iyo nabadda Bariga Dhexe.
Shirka oo si wadajir ah ay u shir guddoominayaan Madaxweyne Abdel Fattah El Sisi iyo dhiggiisa Mareykanka ayaa waxaa khudbadda furitaanka ka jeediyay Madaxweyne Donald Trump.
Madaxweyne Trump ayaa bogaadiyay Madaxda Qatar, Masar iyo Turkiga, isagoona si gaar ah ugu amaanay dadaalka ay ku bixiyeen in la xaqiijiyo xabad joojinta Jimcihii ka dhaqangashay Gaza.
Madaxweynaha ayaa ayaa sidoo kale u mahadceliyay dhiggiisa Masar, kaas oo uu ku tilmaamay nin cajiib ah iyo jeneraal howlkar ah.
Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhanka kale sheegay in xabad joojinta Gaza ay u shaqeynayso si wanaagsan, isagoona xusay in dadaalada lagu soo afjarayo dagaalka Gaza ay ka gaareen meeshii ugu sarreysay, muddo 500 illaa 3,000 oo sano ah sida uu yiri ay noqoneyso markii ugu horreysay in la gaaro heerkan oo kale.
“Xabad joojinta u dhaxeysa Israel iyo Israel waxay runtii u shaqeynaysaa si cajiib ah.” Ayuu yiri Madaxweynaha Mareykanka.
Waxa uu intaasi ku daray in shirkan Sharm El-Sheikh ay ku saxiixi doonaan dokumenti si dhameystiran loogu soo afjarayo dagaalka Gaza.
“Qof walba waxa uu lahaa suurtagal ma ahan in la sameeyo, wayna dhici doontaa, welibana indhihiina hortooda.” Ayuu yiri Trump.
Shirka ayaa lagu soo martiqaaday hoggaamiyeyaasha caalamka qaarkood iyo weliba qaar ka mid ah madaxda gobolka.