Home Dhacdooyin Trump iyo madaxda kale oo saxiixay heshiiska xabad joojinta Gaza (SAWIRRO)

Trump iyo madaxda kale oo saxiixay heshiiska xabad joojinta Gaza (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo madaxda dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ee Masar, Qatar iyo Turkiga ayaa saxiixay heshiiska Israel iyo Xamaas ee lagu soo afjarayo dagaalka Gaza, iyadoo uuna saxiixoodu ka dhigan yahay in si caddaalad ah loola dhaqmi doono oo gacmaha la qaban doono cid kasta oo isku dayda inay jebiso xabad joojintii Jimcihii ka dhaqangashay Marinka Gaza.

Trump, Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El Sisi, Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan iyo Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani ayaa saxiixay dokumentiga, intii uu socday shirkii caalamiga ahaa ee fiidnimadii caawa ka dhacay Magaalada Sharm El-Sheikh.

Trump oo ka hor saxiixa ka hadlayay shirkaasi ayaa sheegay in xabad joojinta Gaza ay u shaqeynayso si wanaagsan, isagoona xusay in dadaalada lagu soo afjarayo dagaalka Gaza ay ka gaareen meeshii ugu sarreysay, muddo 500 illaa 3,000 oo sano ah oo sida uu yiri ay noqoneyso markii ugu horreysay in heerkan oo kale la gaaro.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in ay saxiixi doonaan dokumenti ay ku caddeynayaan in uu dhammaaday dagaalkii Gaza.

“Qof walba waxa uu lahaa suurtagal ma ahan in la sameeyo, wayna dhici doontaa, welibana indhihiina hortooda.” Ayuu yiri Trump oo carabka ku adkeeyay in dagaalkii Gaza uu dhammaaday, waxaana ku qulqulaya buu yiri gargaarka bani’aadantinimo.

Trump ayaa sheegay in loo baahan yahay in militariga laga ciribtiro Gaza, iyadoo lagu bedelayo ciidamo boolis ah oo suga nabadgelyada dadka Gaza.

“Waxaan ku heshiinay in dib-u-dhiska Gaza ay u baahan tahay in laga saaro militariga, lana sameeyo ciidamo cusub oo rayid daacad ah oo xaalad ammaan u abuura dadka Gaza.” Ayuu yiri Trump.

Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa 29-kii bishii September soo bandhigay qorshe ka kooban 20 qodob oo lagu dhameynayo dagaalka Gaza, isla-markaana ay ku jiraan sii deynta dhammaan maxaabiista Israel, xabad joojinta Gaza, hub ka dhigista Xamaas iyo in laga wareejiyo maamulka Gaza.

Xamaas waxay caddeysay in mab’da ahaan ay aqbashay qorshaha Trump, balse waxay dalbatay in wada-xaajood ay ka gasho qodobada qaar ay u aragtay inay qodxaha leeyihiin, sida inaanan cid ajnabi ah lagu wareejin maamulka loo sameynayo Gaza iyo inaysan hubkeeda ku wareejin doonin gacan shisheeye, oo ay ku wareejin doonto dad Falastiiniyiin ah, marka is faham buuxa laga gaaro in la dhiso Dowladda Falastiin.

Qorshaha Mareykanka ee caawana fulintiisa la saxiixay ayaa waxaa ku jira qodob uu Mareykanku ku sheegayo in ay fududayn doonaan wada hadal dhex mara Falastiiniyiinta iyo Israel, oo lagu gaarayo heshiis ay shacabka labada dhinac si nabad ugu wada noolaanayaan Bariga Dhexe, iyadoo Falastiiniyiinta ay yeelanayaan dal madaxbannaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc