Home Dhacdooyin Israeliyiintii la sii daayay oo dib ula midoobay qoysaskooda (SAWIRRO)

Israeliyiintii la sii daayay oo dib ula midoobay qoysaskooda (SAWIRRO)

by Laacib

Dadkan oo maanta ku laabtay dhulka Israel ayaa dib ula midoobay qoysaskooda, ka dib muddo laba sano ah oo aysan is arkin.

Xamaas ayaa dadkan oo 20 qof gaarayay ku sii deysay wejiga koowaad ee qorshaha Madaxweynaha Mareykanka ee laba sano ka dib lagu soo afjarayo dagaalka Gaza.

Xamaas oo maxaabiista ku wareejisay Shaqaalaha Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa gaadiidka Laanqeyrta Cas lagu geeyay xuduudaha Israel, oo militariguna ay uga qaadeen helicopter lagu geeyay gudaha Israel.

Maxaabiistan la sii daayay ayaa lagu kala magacaabaa Matan Angrest, Alon Ohel, Omri Miran, Eitan Mor, Guy Gilboa-Dallal, Elkana Bohbot, Avinatan Or, Yosef-Haim Ohana, Evyatar David, Rom Braslavski, Segev Kalfon, Nimrod Cohen, Maxim Herkin, Eitan Horn, Matan Zangauker, Bar Kupershtein, David Cunio iyo Ariel Cunio oo walaalo ah iyo laba wiil oo kale oo mataano ah, laguna kala magacaabo Gali iyo Ziv Berman.

Qoysaska, ehelada iyo saaxiibada dadkan ayaa si weyn ugu faraxsan inay soo laabtaan iyagoo badqaba.

Qoysaska iyo ehelada dadkan ayaa halgan adag u galay, sidii dowladdu ay u geli lahayd heshiis keenaya in si nabdoon ay guryahooda ugu soo laabtaan.

Maqnaanshaha dadkan ayaa xiisad ka abuurtay gudaha Israel, ka dib markii dadku ay welwel badani ka muujiyeen inay ku baxaan gacanta ciidamadooda.

Dhanka kale Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa sidoo kale wareejiyay meydadka afar maxbuus, sida uu xaqiijiyay Taliska Militariga Israel.

Ururka reer Falastiin ayaa sheegay in meydadka ay wareejiyeen ay kala yihiin Guy Illouz, Yossi Sharabi, Bipin Joshi iyo Daniel Perez.

Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sii deynta dadkan uga dhigan qodax ku taagneyd oo Alle uu ka bixiyay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc