Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa dhowrkii cisho ee la soo dhaafay uu cadaadis xoogan kaga imanayay Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, oo khasab kaga dhigeysay in si dhakhsa ah uu ururku u soo wareejiyo meydadka ama lafaha maxaabiista harsan.
Raysal Wasaaraha Israel ayaa Khamiistii sheegay in ay ka go’an tahay inay soo celiyaan maxaabiista harsan, isagoona ku goodiyay inay sii wadi doonaan cadaadiska ay ku hayaan Xamaas, isla-markaana aanu weli dagaalku dhammaan.
Xamaas ayaa waxay sheegtay in illaa iyo hadda ay wareejisay meydadka sagaal ka mid ah maxaabiistii Israeliyiinta ee dhintay, iyadoona caddeysay in 19-ka harsan ay waqti qaadaneyso, inta laga soo saarayo burburka dhismayaashii ay Israel burburisay.
Xamaas ayaa laba u kala qaadday meydadka maxaabiista ee Gaza ku harsan, kuwo ay sheegtay in ay ku aastay godad dhulka hoostiisa ku yaala oo lagu duqeeyay iyo qaar kale oo ku hoos jira burburka dhismayaashii ay diyaaradaha dagaalka Israel burburiyeen.
Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay ka go’an tahay fulinta heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee iyaga iyo Israel, ha yeeshee marka ay noqoto in lafaha dadkaasi la soo saaro ay ku adag tahay, sababtoo ah inaysan haysan qalab ku filan oo lafaha lagu soo saari karo.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Raysal Wasaare Netanyahu uu ka masuul yahay dib-u-dhaca jira, bacdamaa ay dowladdiisu dib-u-dhigeyso soo celinta maxaabiista, sababtu tahay in aysan ogoleyn in qalabka la geeyo Marinka Gaza.
Xamaas ayaa sheegtay in Israel ay hortaagan tahay qalabka lagu nadiifiyo burburka, taasna ay iyagu ku noqotay caqabadda ugu weyn, si bannaanka loogu soo saaro lafaha harsan.
Militariga Israel ayaa Arbacadii xiray Isgoyska Rafah ee qaybta Gaza, iyagoo xadidaya kolonyada gargaarka bani’aadantinimo ee ka soo gudbaya dalka Masar, si Xamaas loogu cadaadiyo in si degdeg ahi ay meydadka dadkaasi ugu soo wareejiso Shaqaalaha Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas.
Xamaas oo arrintaasi bayaanka kaga jawaabeysay ayaa sheegtay in diidmada Israel ee in dib loo furo Isgoyska Rafah iyo hanjabaadaha Netanyahu ee lagu carqaladeynayo qulqulka gargaarka gelaya Gaza ay calaamad u tahay, sida dowladdiisu wax maquuninta ku dhisan ay u ciqaabeyso dadka reer Gaza, isla-markaana ay dadka uga hortaagan tahay in ay helaan baahiyahooda aasaasiga ah.
Wejiga koowaad qorshaha Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ee heshiiska xabad joojinta Israel iyo Xamaas ee lagu soo afjarayo dagaalka Gaza ayaa waxaa qayb ka ah qulqulka gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza, iyadoo maalintii ay tahay in dhowr boqol oo gaadiidka gargaarka ah ay gudaha u galaan Gaza.
Ciidamada Israel ee ku sugan Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor ee kala qaybisa Marinka Gaza iyo Masar ayaa Axaddii ogolaaday in kolonyada gargaarka ay ka soo gudbaan dhinaca Masar, ka dib xabad joojintii 10-kii bishan ka dhaqangashay Gaza, waana xilli muddo billo ah ay hortaagnaayeen in Hay’adaha Qaramada Midoobey ay gargaarka bani’aadantinimo keenaan dhulka go’doonsan.
Ciidamada Israel ayaa soo celiyay xanibaadahoodii gargaarka, xilli ay xabad joojin jirto.