Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa Jimcahan walaac ka muujiyay qorsheyaasha ay Israel ku xadideyso qulqulka gargaarka bani’aadantinimo ee Marinka Gaza.
Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sheegtay in baahi weyn oo bani’aadantinimo ay ka jirto qaybaha Gaza oo dhan, xilli xabad joojintii lagu heshiiyay ay weli shaqeynayso.
Hay’adda UNRWA ayaa sheegtay in labadii sano ee dagaalku uu socday ay dadka Gaza waayeen wax kasta oo ay haysteen, isla-markaana aanu jirin dakhli dadkaasi ka soo galo gudaha.
Hay’addu waxay sheegtay in Israel looga baahan yahay in aysan xanibin qulqulka gargaarka aadka loogu baahan yahay, si dadka rayidka ah ay uga gudbaan xaaladda quusta ahi ee ay ku nool yihiin.
Laba maalmood ka dib markii ay xabad joojintu ka dhaqangashay Marinka Gaza, Israel ayaa qaadday xayiraadihii kolonyada gargaarka ee Qaramada Midoobey iyo badeecadaha ganacsiga ee Gaza, taas oo aan si caadi ah u shaqeyn wax ka badan saddex maalmood.
Militariga Israel ayaa Arbacadii soo celiyay tallaabooyinka ay ku xakameynayaan wax kasta oo gelaya gudaha Gaza, si loogu cadaadiyo Xamaas inay si dhakhsa ah u soo wareejiso lafaha maxaabiista Israeliyiinta ee harsan.
Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ayaa sheegtay in qulqulka gargaarka Gaza uu si weyn uga hooseeyo xaddiga lagu heshiiyay in la geeyo dhulka go’doonsan.
Hay’adda Qaramada Midoobey ee WFP ayaa sheegtay in ay kayso kayd cunto oo ku filan dadka Gaza muddo saddex bilood ah, ha yeeshee waxay walaac ka muujiyay is hortaagga Israel ee in gargaar badan uu galo Gaza.
Koox Israeliyiin ah oo xagjir ah, laguna magacaabo Tsav 9 ayaa Jimcahan is hortaagtay kolonyo garagar oo ku sii jeeday Marinka Gaza, xilli ay ka soo gudbayeen Isgoyska Kerem Shalom ee ku yaala xadka Israel iyo Marinka Gaza.
Kooxdan ayaa sheegtay in Xamaas ay jebisay heshiiska, isla-markaana ay diiday in ay soo celiso lafaha 19 maxbuus oo haray, sidaasi daraadeedna ay tahay in la joojiyo gargaarka la gaynayo Marinka Gaza.
Dhanka kale gaadiid kaloo fara-badan, isla-markaana sida badeecooyin ganacsi ayaa la sheegay inay ku xaniban yihiin Isgoyska Kissufim ee u dhaxeeya Marinka Gaza iyo koonfurta Israel.
Darawalada gaadiidka xamuulka ee rarka ay sidaan lagu soo hubiyay Dekedaha Israel ayaa saacado badan lagu dhibaa kontoroolkan, waaba haddii ay dhacdo in loo ogolaado inay safarkooda horey u sii wataan.
Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa Khamiistii sheegay in uu sii xirnaan doono Isgoyska Rafah ee qaybta Gaza, iyadoo la xakameynayo baabuurta gargaarka bani’aadantinimo ee ka soo gudbaya dhinaca Masar.
Netanyahu oo sheegay in ay ka go’an tahay inay soo celiyaan lafaha maxaabiista ee harsan ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan cadaadiska ay ku hayaan Xamaas, isla-markaana uusan dagaalku dhammaan.