Ururka Xamaas ayaa xalay meydadka/lafaha laba qof oo Israeliyiin ah ku wareejiyay Shaqaalaha Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas, waana wareejintii labaad ee ay Xamaas sameyso 24 saac gudahood, iyadoona ururku uu ka cabanayo tallaabooyinka Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ee jebinaya qodobada heshiiska.
Xoogaga Xamaas ayaa habeen hore lafaha laba ka mid ah maxaabiista Israeliyiinta ee harsan ku wareejiyay Shaqaalaha Laanqeyrta Cas, oo iyaguna ku wareejiyay Ciidamada Israel ee ku sugan qaybo ka mid ah Gaza.
Tani ayaa wadarta guud ee lafaha ay Xamaas illaa iyo hadda wareejisay ka dhigeysa 13, inkastoo ay Israel sheegtay in aan mid ka mid ah lafahaasi loo aqoonsan qof Israeli ah.
Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ay Xamaas soo gudbisay lafaha 12 qof, waa haddii la xaqiijiyo meydadka labadii qof ee u dambeeyay ee xalay ay soo wareejisay.
Xafiiska Raysal Wasaaraha iyo Taliska Militariga ayaa mar dambe xaqiijiyay in la aqoonsaday mid ka mid ah lafaha dadkaasi, kaas oo ah Ronen Engel, kan labaadna ay weli xaqiijintiisu socoto.
Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in si dhakhsa ah Xamaas looga doonayo in ay u soo wareejiso meydadka harsan, haddii kalena aan la furi doonin Isgoyska Rafah ee qaybta Gaza, halkaas oo uu ka soo gudbo gargaarka ugu badan ee laga keeno dalkaasi Masar.
Xamaas ayaa waxaa laga doonayaa oo weli ku harsan lafaha 16 Israeliyiin ah. Inkasta oo Xamaas ay sheegtay in ay ka go’an tahay fulinta heshiiska, haddana ay dhibaato ka haysato qalabkii meydadka dadkaasi looga soo saari lahaa burburka dhismayaasha oo aan gacanteeda ku jirin.
Heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee Xamaas iyo Israel ayaa waxaa qayb ka ah in Xamaas ay sidoo kale wareejiso dhammaan meydadka maxaabiistii Israeliyiinta ee dhintay oo tiradooda lagu sheegay 28 qof.
Netanyahu ayaa war uu soo saaray ku sheegay in dalabka ugu weyn ee Israel uu yahay in la soo celiyo lafaha dadka harsan, haddii kalena aysan cadaadiska ka joojin doonin Xamaas. Netanyahu oo sheegay in aanu weli dagaalka dhammaan ayaa ku goodiyay in si dagaalka labada sano loo soo afjaro ay khasab tahay in Xamaas ay soo celiso lafaha harsan.
Iyadoo xabad joojinta Gaza ay toddobaadkii labaad shaqeynayso, haddana Ciidamada Israel ayaa mararka qaarkood ku xadgudba xabad joojinta, iyadoo Jimcihii oo ugu dambeysay ay 11 qof oo isku qoys ahaa ku dileen Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza.
Xamaas ayaa Sabtidii xukuumadda uu Netanyahu madaxda ka yahay ku eedeysay in ay sameynayso marmarsiyo raqiis ah, iyaduna ay tahay cidda dib u dhigeysa in la soo celiyo lafaha dadkaasi.
Xamaas ayaa sheegtay in xirnaanshaha Isgoyska Rafah iyo diidmada Israel in qalabka nafiidinta burburka la keeno Gaza uu xadgudub cad ku yahay heshiiska.
Xamaas ayaa ka digtay qorshaha ay Israel ku xanibeyso qulqulka gargaarka Gaza iyo sahayda qalabka ee loogu talagalay in la geeyo Gaza.
Xamaas ayaa dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ee Masar, Qatar iyo Turkiga ugu baaqday inay dabagal ku sameeyaan dhaqangelinta qodobada ka dhiman heshiiska.