Dowladda Somaliya ayaa dalka Rwanda ka soo xirtay nin ku eedeysan kufsi iyo inuu baahiyay muuqaalo anshax xumo galmo ah oo uu ka gaystay Magaalada Qardho, sida uu sheegay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa warsaxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay in baaritaan uu sameeyay uu ku ogaaday in eedeysane Jaamac Cabdi Maxamuud oo baxsad ahaan ugu maqnaa dalkaasi Rwanda uu ku eedeysan yahay kufsi, duubis iyo baahin muuqaalo anshax xumo ah.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xafiiska oo kaashanaya Booliska Caalamiga ah ee Interpol uu ku guuleystay in ninkan gelinkii dambe ee Sabtidii shalay laga soo dejiyo Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliska Caalamiga ah ee Interpol ayaa ku guuleystay in eedeysane Jaamac Cabdi Maxamuud laga soo dejiyo Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde shalay galab oo taariikhdu ahay 18/10/2025, waxaana eedeysanaha lagu wareejiyay, laguna xiray Xabsiga Qaybta Baarista Dembiyada Booliska ee CID.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in si degdeg ah ninkaasi loo horgayn doono maxkamadda awoodda u leh, si uu u wajaho caddaaladda.
“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu u mahadcelinayaa Hay’adaha Dowladda Rwanda iyo Booliska Somaliya, gaar ahaa Qaybta Interpol oo qayb lixaad leh ka qaadatay in eedeysanaha la soo geliyo gacanta Hay’adaha Dowladda Somaliya.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu soo geba-gabeeyay “Ugu dambayn Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaa ka go’an la dagaalanka dembiyada tacadiga jinsiga, ilaalinta sharafta iyo sumcadda dumarka Soomaaliyeed.”