Home Dhacdooyin Maxkamadda Gobolka Galgaduud oo xukuntay saddexda nin ee loo haysto dilka haweenka

Maxkamadda Gobolka Galgaduud oo xukuntay saddexda nin ee loo haysto dilka haweenka

by Laacib

Garsoorka Maxkamadda Gobolka Galgaduud oo 15-kii bishan u fariisatay dhageysiga dacwadda ciqaabka loo haysto eedeysaneyaasha kala ah Gallad Axmed Xuseen, Cabdi Cismaan Cabdullaahi iyo Ayuub Maxamed Cabdi, loona haysto inay 8-dii bishan gobolkaasi ku dileen hooyo Sahra Cartan Xirsi iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, laguna kala magacaabayay Nuurto Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed Maxamuud iyo Faa’isa Axmed Maxamuud ayaa soo geba-gabeysay dacwadda kiiskan.

Maxkamadda ayaa bedeshay dacwaddii ciqaabta ee eedeysaneyaasha, iyadoona u bedeshay mid madani ah, ka dib markii aan la horkeenin caddeymo iyo qiraal ku aaddan in raggan ay galeen dembigii lagu soo eedeeyay.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud, Xasan Cabdullaahi Cali ayaa caawa Magaalada Dhuusamareeb kaga dhawaaqay go’aanka maxkamadda. Gudoomiyaha ayaa sheegay in maxkamaddu ay eedeysaneyaasha ku weysay Qodobka 434 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, balse ma sheegin inay maxkamaddu ku heshay iyo in kale qodobada kale ee lagu soo eedeeyay ee kala ah 39aad iyo 71aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha oo u dhaqaaqay xukunka maxkamadda ayaa muujiyay in maadaama eedeysaneyaasha aan xaq loogu lahayn inay ka dhaartaan dilka dadkaasi, kolba haddii qoyska dhibaneyaasha ay diideen inay ku dhaartaan in saddexdan nin ay yihiin kuwii dilay dadkooda awgeed ay maxkamaddu ku xukuntay Cabdi Cismaan Cabdullaahi oo 23 jir ah iyo Gallad Axmed Xuseen oo 23 jir ah min shan sano oo xarig ah.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in maxkamaddu ay Ayuub Maxamed Cabdi oo 25 jir ah ku xukuntay saddex sano oo xarig ah.

“Ciddii aan ku qanacsaneyn waxaa u furan rafcaan soddon cisho ah.” Ayuu yiri Xasan Cabdullaahi Cali, Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud oo hadalkiisa intaasi ku soo afmeeray.

Maxkamadda ayaa u muuqato mid go’aankeeda ku saleysay inaanu jirin wax marqaati ah oo la horkeenay iyo inaanay eedeysaneyaashu samayn wax qiraal ah, isla-markaana ay xukunkan u cuskatay tallaabooyinka kale ee u furan ee lagu gaari karo in wax uun caddaalad ah la helo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc