Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa maanta sheegtay in xubno ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab lagu dilay hawlgal ay iyaga iyo saaxiibada caalamiga ah iska kaashadeen, isla-markaana ay ka fuliyeen deegaanka Kuukaayle oo hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Hay’adda NISA ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in hawlgalka oo dhacay xalay lagu dilay toddobo xubnood, ka dib markii lagu beegsaday goob ay gabaad ka dhiganayeen maleeshiyadaasi.
“Hawlgalka waxaa lagu dilay toddobo dhagarqabe, waxaana lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo teendhooyin ay cadowgu ku dhuumaaleysanayeen.” Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa sidoo kale lagu yiri “Hawlgalka oo dhacay saddex mar oo kala duwan oo isla xalay ah ayaa kan koowaad lagu beegsaday teendho ay maleeshiyaad ku jireen, taas oo sababtay dhimashada saddex xubnood oo Khawaarij ah. Hawlgalka labaad oo daqiiqado uun ka dambeeyay ayaa lagu soo afjaray nolosha afar dhagarqabe oo kale, iyada oo ugu dambayna beegsiga saddexaad lagu gubay gaadiid dagaal oo ay Khawaarijtu halkaas ku diyaariyeen, si ay ugu qaadaan maleeshiyaadka ay abaabulayeen.”
Warka ayaa intaasi ku daray “Ciidanka Hay’adda NISA ayaa qaaday hawlgalkan, ka dib markii la sugay xog sirdoon oo muujineysay dhaqdhaqaaqyo ay maleeshiyaad Khawaarijta ah, oo watay gaadiid dagaal ka sameynayeen deegaanka Kuukaayle oo hoostaga Degmada Maxaas. Xogta oo loo bedelay hawlgal ayaana suurtagelisay in halkaas lagu soo afjaro Khawaarijtii abaabulka wadday.”
NISA ayaa ah isha ugu weyn ee laga raadraaco xogaha maleeshiyada iyo horjoogeyaasha Al Shabaab ee la doon-doonayo.