Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa xalay lafaha laba maxbuus oo kale oo Israeliyiin ah ku wareejiyay Shaqaalaha Guddiga Caalamigaa ah ee Laanqeyrta Cas, waana caalamaddii ugu dambeysay oo Xamaas ay ku muujineyso, sida ay uga go’an tahay inay fuliso shuruudaha heshiiska xabad joojinta ay kula jirto Israel.
Taliska Militariga Israel ayaa xaqiijiyay in ciidamadooda ku sugan dhulka Falastiiniyiinta la soo gaarsiiyay laba naxash, oo ay ku jiraan sida loo sheegay lafaha laba ka mid ah maxaabiistii Israeliyiinta ee lagu haystay Marinka Gaza.
Taliska ayaa war uu soo saaray ku sheegay in lafaha dadkaasi loo qaaday Magaalada Tel Aviv, halkaas oo lagu kala xaqiijin doono in ay Israeliyiin yihiin in iyo kale.
Haddii lafaha dadkani la xaqiijiyo ayaa waxay tirada meydadka ama lafaha ay Xamaas soo wareejisay ka dhigeysaa 15 qof.
Ururka Xamaas ayaa waxaa weli laga doonayaa in ay soo wareejiyaan lafaha 13 Israeliyiin ah.
Shuruudaha heshiiska ee labada dhinac ayaa waxaa ku jira in Xamaas ay wareejiso lafaha dhammaan 28-ka maxbuus ee ay horey Israel u sheegtay in ay dhinteen, isla-markaana ay ku jiraan gacanta Xamaas.
Khalil Al Hayya, Madaxa Wada-xaajoodka Xamaas ayaa Talaadadii sheegay inay dhankooda ka go’an tahay inay dhameystiraan heshiiska, laakiin ay dhibaato ka haysato in meydadka dadkaasi ay ka soo saaraan burburka dhismayaashii ay Israel ku burburisay dagaalka.
“Soo saaristoodu waxay u baahan tahay waqti iyo mashiino culus, laakiin iyadoo la adeegsanayo go’aan iyo adkeysi, Ilaahay idiinkiis waxaan dhameystiri doonnaa shaqadan.” Ayuu yiri Khalil Al Hayya.
Al Hayya ayaa Israel ku eedeeyay in ay dib u dhigeyso dib u soo celinta lafaha dadkaasi, maadaama ay diidan tahay in qalabka nadiifinta bururka la geeyo Marinka Gaza.