Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in tobanaan qof oo xaaladdoodu liidato ay ka daadgureysay Marinka Gaza, si dadkaasi ay u helaan caafimaad dibadda ah.
Madaxa Hay’adda WHO, Tedros Ghebreyesus ayaa sheegay in hay’addu ay Arbacadii 41 qof oo xaaladdoodu halis ahayd ka soo saartay gudaha Gaza.
Dadkan ayaa gaadiid lagu geeyay Isgoyska Rafah ee kala qaybiya Gaza iyo Masar, si dalkaasi looga sii qaado dhinaca dibadda.
Madaxa Hay’adda WHO ayaa sheegay in illaa 15 kun oo qof ay sugayaan in laga daadgureeyo Marinka Gaza.
Hay’addan oo hoggaamineyso daadgureynta dadka sida xun ugu dhaawacmay dagaalka Gaza iyo dadka kale ee bukaan socodka ah ayaa dhawaan sheegtay 15,600 oo qof, oo ay ku jiraan 3,800 oo carruur ah ay sugayaan in dibadda loo qaado
“Waxaan sii wadaynaa inaan ugu baaqno dalalka inay muujiyaan midnimadooda iyo in dhammaan waddooyinka la furo, si loo dedejiyo daadgureynta caafimaadka.” Ayuu yiri Tedros Ghebreyesus.
Daadgureynta dadkan ayaa looga faa’iideysanaya xabad joojinta Gaza oo toddobaadkii labaad shaqeynayso.
Daadgureynta dadka u baahan caafimaadka dibadda ayaa si weyn hoos ugu dhacday, ka dib markii Ciidamada Israel ay bishii May ee sanadkii 2024 la wareegeen Isgoyska Rafah ee qaybta Gaza.
Militariga Israel ayaa isu socodka xuduudda Gaza iyo Masar ka dhigay meel aan la isaga kala gudbi karin, waana meeshii keliya ee reer Gaza u furneyd, marka ay dibadda u baxayaan.
Tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah oo si xun ugu dhaawacmay dagaalka Gaza ayaa laga hor istaagay in ay helaan daryaal caafimaad oo dibadda ah.