Home Wararka Caalamka Madaxweyne Trump oo digniin adag u jeediyay Raysal Wasaaraha Israel

Madaxweyne Trump oo digniin adag u jeediyay Raysal Wasaaraha Israel

by Laacib

Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uga digay in Israel ay lumin doonto taageerada joogtada ah ee Mareykanka, haddii ay ku dhiirato in ay Daanta Galbeed ku darsato dhulkeeda.

Baarlamaanka Israel ayaa Arbacadii ansixiyay hindise uu muran badan ka taagnaa, kaas oo lagu sharciyeynayo in la qarameeyo Daanta Galbeed, si loogu soo daro dhulka Israel. Hindisaha oo weli mid qabyo ah ayaa u baahan in uu ka gudbo saddex akhrin dheeraad ah, si uu sharci u noqdo.

Arrintan ayaa dhalisay cambaareyn caalami ah iyo in dadku ay welwel ka muujiyaan, sida uu ku fuli karo qorshaha Madaxweyne Donald Trump ee lagu soo afjarayo colaadda Gaza iyo in ka dib la bilaabo wada hadal lagu xaqiijinayo xalka laba dal, oo Israeliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay leeyihiin.

Iyadoo aad mooddo in uu ka sii dhammaanayo dulqaadkii uu Israel u hayay, Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka digay in Mareykanku uu ka tagi doono Israel, haddii ay ku sii socoto qarameynta Daanta Galbeed ee ay ku qabsatay dagaalkii sanadkii 1967-kii ka dhacay Bariga Dhexe.

Madaxweynaha oo wareysi siiyay Time Magazine, oo ah wargeys laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa sidoo kale Netanyahu ugu yeeray in uu tixgeliyo heshiiska xabad joojinta Gaza iyo in ay taggaan miiska wada hadalka, si loo sii ambaqaado wada hadalada wejiyada xiga ee qorshihiisa lagu soo afjarayo dagaalka Gaza, isla-markaana taageeraya nabad waarta oo lagu soo dabaalo Gobolka Bariga Dhexe.

Madaxweynaha oo gelinkii dambe ee Khamiistii Warbaahinta kula hadlayay Aqalka Cad, waxna laga weydiiyay qarameynta Israel ee Daanta Galbeed ayaa muujiyay in arrintaasi aysan marnaba dhaqangal noqon doonin.

Madaxweynaha ayaa diiday dalabka Xildhibaanada Aqalka Knesset-ka ee daadejinta Daanta Galbeed, kaas oo Israeliyiinta sharci u siinaya in ay iyagu yeeshaan dhulka la haysto.

Madaxweynaha ayaa Baarlamaanka Israel ku gacan seyray soo jeedinta lagu qarameynayo Daanta Galbeed, sababtoo ah waxa uu qorshahaasi uu liddi ku yahay hindisihiisa nabadeynta ee Gaza iyo nabadda mustaqbalka fog ee gobolka.

“Haka welwelina Daanta Galbeed.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo ka jawaabaya su’aal uu nin Wariye ah uu ku weydiiyay Aqalka Cad.

“Israel waxba kuma yeeli doonto Daanta Galbeed.” Ayuu yiri Madaxweynuhu oo u laab qaboojinaya dadka dareenka xasaasiga ah ka muujiyay damaca Israel ee la wareegitaanka buuxa ee Daanta Galbeed.

Codeynta koowaad ee loo qaaday ku darsashada Daanta Galbeed ayaa timid, xilli Trump uu bartamihii bishan uu ka soo horjeestay in la xalaaleysto dhulka ay Israel dagaalka ku qabsatay. Trump ayaana sheegay inuusan ogolaan doonin in Israel ay si toos ah u qaadato Daanta Galbeed.

Trump waxaa lagu tilmaamaa hoggaamiyaha keliya ee xakamayn kara xadgudubyada joogtada ah ee Israel ee mar walbaba kicinaya dareenka bulshada caalamka.

Trump ayaa sidoo kale lagu sheegaa hoggaamiyaha qura ee ajnabi ah ee Israel ku khasbi kara in ay joojiso dembiyadeeda dagaalka ee Gaza.

Cadaadiska xoogga badan ee Trump ee toddobaadyadii u dambeeyay uu ku hayay Israel ayaa la aaminsan yahay in ay tahay natiijada ka dambeysa in ay joojiso weeraradii waalida ahaa ee Gaza.

Trump ayaa wareysiga uu siiyay Wargeyska Time Magazine ku sheegay in Israel aysan la dagaalami karin dunida oo dhan, oo sida uu yiri ka soo horjeeddo.

Mareykanka waa isbahaysiga ugu weyn ee xulafada Israel, waana dalka ugu weyn ee ku ilaaliya Bariga Dhexe, isla-markaana ku difaaca siyaasadda, marka la joogo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Israel ayaa muddadii labada sano ahayd ee dagaalka Gaza uu socday lumisay taageerada xulafadeeda reer galbeedka, Mareykanka ayaana noqday dalka keliya ee sida indha la’aanta ah ugu taageerayay wax kastoo ay Gaza ka sameynaysay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc