Home Wararka Caalamka Madaxweyne Erdogan oo Israel ku eedeeyay inay jebineyso heshiiska xabad joojinta Gaza

Madaxweyne Erdogan oo Israel ku eedeeyay inay jebineyso heshiiska xabad joojinta Gaza

by Laacib

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa si adag u difaacay Ururka Xamaas ee Falastiin, isagoona sheegay in illaa iyo hadda ay si maangal ah u fulinayaan heshiiska xabad joojinta Gaza ee ay 9-kii bishan la saxiixdeen Israel.

Madaxweynaha Turkiga ayaa Xamaas ku amaanay in iyadoo ay caqabad ka haysato qalabka lagu qodo burburka dhismayaasha, si looga soo saaro lafaha maxaabiistii Israeliyiinta ee dhimatay ay haddana ku dadaaleyso, sidii ay lafaha dadkaasi uga soo saari lahayd dhismayaashii ku burburay dagaalka.

“Turkiga ahaan waxaan ku dadaalaynaa in xabad joojinta la sugo, dhinaca Xamaas waxay u hoggaansan yihiin xabad joojinta. Dhab ahaantii waxay Xamaas si cad u sheegeysaa, sida ay uga go’an tahay arrintan.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa dhinaca Israel ku eedeeyay inay ka shaqeynayso fashilinta xabad joojinta lagu soo afjarayo colaadda, taasna ay xadgudub qaawan ku tahay heshiiskii ay gacanteeda ku saxiixday iyo ballanqaadkeedii ay ku sheegeysay in ay fulin doonto heshiiskaasi.

Madaxweynaha ayaa Israel ku eedeeyay in ay xanibeyso qulqulka gargaarka Gaza iyo agabyada kale ee lagu heshiiyay in la geeyo Marinka Gaza.

“Israel waxay sii waddaa inay ku xadgudubto xabad joojinta.” Ayuu yiri Madaxweyne Erdogan oo Mareykanka iyo dalalka kale ugu baaqay inay sameeyaan wax badan, si ay u riixaan inay Israel joojiso tallaabooyinkeeda jebinaya qodobada shuruudaha ee xabad joojinta Gaza.

“Beesha Caalamka oo Mareykanka uu ku jiro waa in ay sameeyaan wax badan, si ay u xaqiijiyaan in Israel ay si buuxda ugu hoggaansanto heshiiska xabad joojinta.” Ayuu yiri Erdogan oo intaasi ku daray “Waa in Israel lagu khasbaa in ay ilaaliso ballamaha, iyadoo loo marayo in cunaqabateyno lagu soo rogo, lagana joojinayo hubka laga iibiyo.”

Turkiga, Qatar iyo Masar oo Mareykanka uu taageerayo ayaa gacan weyn ka gaystay in la gaaro heshiiska xabad joojinta Gaza ee ay Xamaas iyo Israel ku saxiixeen Magaalada Sharm El-Sheikh.

Heshiiska ayaa waxaa qayb ka ah in dalal uu ka mid yahay Turkiga ay ciidamo nabad ilaalin ah u diraan Marinka Gaza, taasoo Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyau ay hadda ka hortimid.

Madaxweyne Donald Trump, Erdogan, Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El Sisi iyo Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani ayaa 13-kii bishan saxiixay dokumenti ay ku xaqiijinayaan in ay si sax ah uga shaqayn doonaan dhaqangelinta heshiiska.

Dokumentiga waxaa ku xusan in Mareykanka oo ka damiin ah dhinaca Israel iyo dalalka kaleba ay si caddaalad ah ula dhaqmi doonaan labada dhinac, haddii midkood loo arko in uu jebinayo heshiiska xabad joojinta.

Xabad joojinta oo 10-kii bishan ka dhaqangashay Marinka Gaza ayaa la sheegay in Israel ay marar badan qaadday tallaabooyin xadgudub ku ah heshiiskii la gaaray.

Hadalka Erdogan ayaa imanaya ku dhawaad toddobaad ka dib, markii Xamaas ay dalalka Masar, Qatar iyo Turkiga ugu baaqday inay dabagal ku sameeyaan dhaqangelinta qodobada ka dhiman heshiiska.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc