Home Wararka Caalamka Israel oo bilowday dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo lagaga hortagayo Ciidamada Turkiga

Israel oo bilowday dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo lagaga hortagayo Ciidamada Turkiga

by Laacib

Israel ayaa hadda walaac xoog leh ka muujineysa in Turkiga uu qayb ka noqdo dalalka gobolka iyo kuwa caalamka ee ciidamada u diraya Marinka Gaza.

Mareykanka ayaa Talaadadii Israel ka furay xarun isku-dubarid militari iyo rayid. Xaruntan oo ay ka hawlgelayaan 200 oo askari oo ka mid ah Militariga Mareykanka ayaa fududayn doonta qulqulka gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza iyo saadka kale ee halkaasi la gaynayo. Ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale agaasimaya ciidamada caaamiga ah ee loo wado dhulka Falastiiniyiinta.

Turkiga, Masar iyo Qatar ayaa horey loogu heshiiyay in ay horudhac u noqdaan dalalka ciidamada u diraya Gaza, si ay u ilaaliyaan xabad joojinta, isla-markaana ay uga soo warbixiyaan xadgudubyada halkaasi ka dhaca.

Shaqada kale ee ugu muhiimsan ee ay qaban doonaan ciidamada gobolka iyo kuwa kale ee caalamiga ah ayaa ah in ay tababari doonaan ciidamo boolis oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo sugi doona nabadgelyada dadka reer Gaza, sida ku cad qorshaha 20-ka qodob ka kooban ee Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu soo bandhigay 29-kii bishii ina dhaaftay ee September.

Madaxweyne Donald Trump ayaa 9-kii bishan dalalka Qatar, Masar iyo Turkiga ku amaanay inay kala shaqeeyeen dowladdiisa dhacdo taariikhi ah oo aan horey loo arag, isagoo daba jooga doorkooda heshiiskii Israel iyo Xamaas ay laba toddobaad ka hor ku saxiixeen Magaalada Sharm El-Sheikh ee dalkaasi Masar.

Trump ayaa ballanqaaday in Israel aysan jebin doonin, ka dib marka la dhaqangeliyo xabad joojinta Gaza. Xabad joojinta ayaana 10-kii bishan ka dhaqangashay Marinka Gaza.

Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa hadda waddo dadaalo diblomaasiyadeed oo xoog leh, si aanu Turkigu uga mid noqon dalalka ciidamada gaynaya Marinka Gaza.

Warbaahinta Israel ayaa warineysa in Netanyahu iyo xubnaha ku jira dowladdiisa ay ka walaacsan yihiin hadal dhawaan ka soo yeeray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, isla-markaana uu ku sheegayay in kaalinta Turkiga ay tahay hubinta in meesha laga saaro wax kasta oo caqabad ku noqon kara qorshaha Trump ee lagu soo afjarayo dagaalka Gaza, isla-markaana u gogol xaaraya nabad waarta, ka dibna in la bilaabo wada hadal is si faham ah loogu gaarayo xalka labada dal ee Israel iyo Falastiin.

Turkiga ayaa ah mid ka mid ah saddexda dal ee damaanadda qaaday, isla-markaana 13-kii bishan saxiixay in Xamaas ay dhinaceeda si sax ah u fulin doonto shuruudaha xabad joojinta Gaza.

Haatan oo ay socoto shaqada iyo abaabulka ciidamada la qorsheynayo in loo daabulo Marinka Gaza, si ay u ilaaliyaan xabad joojinta dhulka, Israel ayaa walaac weyn ka muujineysa doorka Turkiga.

Xiriirka Turkiga iyo Israel ayaa gaaray meeshii ugu hooseysay, labadii sano ee dagaalka Gaza uu socday.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc