Home Dhacdooyin Taliska Guutada 6aad ee Militariga Somaliya oo xarun cusub la dejinayo (SAWIRRO)

Taliska Guutada 6aad ee Militariga Somaliya oo xarun cusub la dejinayo (SAWIRRO)

by Laacib

Ka dib 11 sano oo Guutada 6aad, Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ay deganeyd Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose waxaa markii ugu horreysay lagu wadaa in la dejiyo duleedka degmadaasi.

Xarunta Taliska Guutada 6aad ayaa muddooyinkanba uu dhismaheedu uu ka socday deegaanka Ambareesa ee duleedka Baraawe, waxaana isla aagga saldhig weyn oo militari ku leh Ciidanka Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Gudoomiyaha Degmada Baraawe, Cumar Cabdullaahi Maxamed, Taliyaha Saldhigga Booliska Baraawe ahna Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Baraawe, Gaashaanle Maxamed Cali Guud iyo saraakiil kale ayaa Sabtidii kormeeray xaruntan.

Masuuliyiintan ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha cusub ee Guutada 6aad, G/dhexe Liibaan Yuusuf Garre, kaas oo dhawaan bedelay General Aadan Abshir Nuure (Laba Afle) oo muddo dheer ku magacawnaa Taliyaha Guutada 6aad.

Kormeerka ka dib masuuliyiintan ayaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Midowga Afrika la yeeshay kulan ay kaga wada hadlayeen xaaladda guud ee amniga Baraawe iyo deegaanada hoostaga degmadaasi.

Guutada 6aad oo ah tan gaarka ah ee loogu talagalay inay ka hawlgasho Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa dhowr sano ka hor lagu xoojiyay Guutada 14-ka October. Baahi amni ayaana keentay in guutadaasi lagu lamaaniyo.

Militariga Somaliya ayaa caadiyan min hal guuto ugu talagalay gobolada ay sida firfircoon uga hawlgalaan amaba ay saamaynta ku leedahay Dowladda Federaalka, laakiin Gobolka Shabellaha Hoose waa kan keliya ee la ogyahay oo laba guuto ay ka hawlgasho, sababtoo ah waa gobolka ay weerarada ugu badan ka gaystaan maleeshiyada Al Shabaab, sida ku cad warbixinada weeraradii ay gobolada dalka ka gaysanayeen, dhowr iyo tobankii sano ee u dambeysay.

Guutada 14-ka October waxay ka mid tahay guutooyin yar oo dib lagaga soo biiriyay Militariga Somaliya, iyadoona ay aasaastay Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loogu xusuusto dadkii faraha badnaa ee ku naf waayay qaraxii 14-kii bishii October ee sanadkii 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc