Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar ayaa ka hadlay sababta ay dowladdiisu uga soo horjeeddo in Turkigu uu qayb ka noqdo dalalka Ciidamada Nabad Ilaalinta u diraya Marinka Gaza.
“Israel ma aqbali doonto joogitaanka Ciidamada Qalabka Sida Turkiga ee Gaza, iyadoo la raacayo qorshaha Mareykanka, ee ah in si wanaagsan loo soo afjaro dagaalka ka socda dhulka Falastiin.” Ayuu yiri Wasiirku.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ayaa sheegay in marka loo eego, sida Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu uga soo horjeedo siyaasadda Israel aanay ogolaan karin in Ankara ay ciidamo u soo dirto Gaza.
“Dalalka doonaya ama diyaarka u ah inay soo diraan ciidamo hubeysan waa inay ugu yaraan u caddaalad falaan Israel.” Ayuu yiri Wasiirka oo Isniintii ka hadlayay shir jaraa’id oo isaga iyo dhiggiisa Hungary Péter Szijjártó ay ku qabteen Magaalada Budapest.
Madaxweyne Erdogan ayaa marar badan cambaareeyay weeraradii aan kala sooca lahayn ee ay Israel ka gaysaneysay Marinka Gaza. Erdogan ayaa Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu la barbardhigay Hoggaamiyihii Naaziga Jarmalka, Adolf Hitler.
“Turkiga oo uu hoggaamiyo Erdogan waxay horseedeen hab cadowtinimo oo ka dhan ah Israel. Keliya ma ahan hadalo cadaawad ah, laakiin sidoo kale tallaabooyin diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale.” Ayuu yiri Gideon Sa’ar, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in sidaasi daraadeed aanay ogolaan karin in Turkigu uu xubin ka noqdo dalalka ciidamada gaynaya Gaza, isla-markaana ay go’aankoodu la wadaageen saaxiibada Mareykanka.
“Sidaasi daraadeedna macquul ma ahan in aan ogolaano in ciidamo hubeysan oo ka socda Turkiga ay galaan Gaza, mana aqbali doono taas, waxaana u sheegnay saaxiibadayada Maraykanka.” Ayuu yiri Wasiir Sa’ar.
Hadalka Wasiir Sa’ar ayaa imanaya maalin ka dib, markii Raysal Wasaare Netanyahu uu sheegay in Israel ay go’aamin doonto dalalka loo ogolanayo in ay ciidamada u diraan Marinka Gaza.