Home Dhacdooyin Macawiisleyda Hiiraan oo la wareegeysa hoggaanka hawlgalada, si loo bedelo wejiga dagaalka

Macawiisleyda Hiiraan oo la wareegeysa hoggaanka hawlgalada, si loo bedelo wejiga dagaalka

by Laacib

Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisleyda Gobolka Hiiraan ayaa gebi ahaanba ka horyimid in ay aqbalaan guul darro iyo inay isu dhiibaan maleeshiyada Al Shabaab, ka dib markii maleeshiyadu ay bartamihii sanadkan qabsatay Degmooyinka Moqokori iyo Maxaas ee bariga gobolkaasi.

Al Shabaab ayaa billihii May iyo June culeys soo saartay deegaanada hoostaga Degmada Moqokori ee ku yaala xadka ay degmadaasi la wadaagto Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Al Shabaab ayaa weeraro kala dambeeyay ku qabsatay deegaanadaasi qaarkood illaa 7-dii bishii July ay dagaal kula wareegtay Moqokori qudheeda, iyadoona 20 cisho ka dib dagaal kale kula wareegtay gacan ku haynta Degmada Maxaas. Tani waxay ahayd farriin ay Al Shabaab dadka deegaanka ugu sheegeysay in ay isaga haraan Dowladda Federaalka iyo in loo lacageen doono hubkooda, lana nabad gelin doono.

Inkasta oo tan iyo wixii ka dambeeyay qabsashadii Al Shabaab ee Degmooyinka Mokoqori & Maxaas iyo deegaanada qaar ee bariga Gobolka Hiiraan ay meesha ka baxeen isku dhacyadii waaweynaa ee dhex marayay Macawiisleyda deegaanka iyo Al Shabaab, haddana Saraakiisha Macawiisleyda ayaa sheegaya in saddex sano ka dib ay iyagu noqon doonaan kuwa weerarka ah. Saddexdii sano ee u dambeysay dagaalka Macawiisleyda ayaa ku dhisnaa in Al Shabaab laga difaaco deegaanadii lagu xoreeyay wejigii koowaad ee hawlgalka dib u xoreynta dalka iyo deegaanadii kale ee xorta ahaa.

Ka dib weerarkii la yaabka lahaa ee ciidamada u badan Macawiisleyda deegaanka ay habeen hore ku qaadeen fariisimihii maleeshiyada Al Shabaab ee deegaanka Goobo oo hoostaga Degmada Maxaas, Saraakiisha Macawiisleyda ayaa wacad ku maray in Al Shabaab aysan nabad ku joogi doonin dhulkii ay dhawaanahaan weerarada ku qabsaneysay.

Maxamed Cismaan Warsame (Ganey) oo ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Macawiisleyda ayaa sheegay in ay kordhi doonaan weeraradooda ku wajahan Shabaabka ku sugan gobolka.

“Waxaa noo qorshe ah deegaanada inaan ka sifayno.” Ayuu yiri Maxamed Cismaan Warsame oo xusay in dadka deegaanka ay diidan yihiin joogitaanka maleeshiyadaasi ee gobolka.

Sarkaalkan ayaa qaba in Shabaabku ay maanta ka itaal yar yihiin, sidii hore, wax u diidaayana aysan jirin in ay meelahooda ku weeraraan.

“Nimankaas goobaha ay soo galeen mar dhow way faarujin doonaan, hadduu Ilaahay yiraahdo.” Ayuu yiri Maxamed Ganey.

Maxamed Ganey ayaa ku waramaya in maadaama uu dhammaaday xilli roobaadka ay iyaga iyo Shabaab marar badan isku arki doonaan saaxada dagaalka.

Dhanka kale Taliyaha cusub ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Cali Axmed Xaashi (Cagey) ayaa isku dayaya in uu dhiig cusub ku shubo hawlgalkan, isagoo Macawiisleyda uga dambeynaya in ay dagaalka hoggaamiyaan.

Taliyaha Qaybta 27aad oo fadhigiisu yahay Beledweyne ayaa Sabtidii Magaalada Muqdisho kula kulmay Wasiirka Gaaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi, waxaana la sheegaya in ay go’aamiyeen in cadowga la naafeeyo, iyadoo laga faa’iideysanayo dadka deegaanka ee diyaarka u ah in ay Al Shabaab iska dulqaadaan.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiir Fiqi uu aqbalay in Dowladda Federaalka ay kordhiso taageeradeeda militari ee Macawiisleyda iyo in kooda dhaawacma aanu la kulmi doonin daryeel la’aan.

Taliyaha ayaa Xoogaga Macawiisleyda siinaya taageerada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin, si ay u dardargeliyaan la dagaalanka Al Shabaab, isagoona mar walbaba ku kaabi doona ciidan kooban oo kala qayb qaata hawlgalada.

Xasan Faarax Guuleed oo ka mid ah Saraakiisha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Isniintii sheegay in Ciidamada Militariga iyo Macawiisleyda ay joogteynayaan hawlgalada gaarka ah ee gobolka looga saarayo kooxaha argagixisada.

Xasan Faarax oo si dhow ula shaqeeya Saraakiisha Macawiisleyda ayaa tilmaamay in ciidamadu ay iyagu leeyihiin go’aanka meelaha la beegsanayo, isla-markaana ay awood buuxda u leeyihiin in ay gudaha u galaan dhulka ay Al Shabaab ka arrimiso.

Gudoomiyaha Guddiga Abaabulka & Taakulada ee Macawiisleyda, Cabdullaahi Macalin Mukhtaar ayaa goor sii horreysay sheegay in waxa Macawiisleyda laga doonayo ay tahay in ay kabaha la xirtaan cadowga, isla-markaana ay sidooda oo kale u hawlgalaan.

Xoogaga Macawiisleyda ayaa looga fadhiyaa in ay kordhiyaan weerarada ka dhanka ah dhulka ay Al Shabaab ka haysato bariga Gobolka Hiiraan.

Tani ayaa waxaa loo arkaa mid lagu xididi karo weerarada ay gaysanayaan Shabaabka guur-guura, si ay Ciidanka Xoogga Dalka si mug leh isugu diyaariyaan guluf ballaaran oo lagu qabanayo dhulka maqan.

Ka gadaal markii Al Shabaab ay 16-kii bishii April la wareegtay Degmada Aadan Yabaal ayaa waxaa jiray qorshe la isla qaatay, oo ahaa in Macawiisleyda Hirshabelle ay u hawlgasho sida Shabaabka guur-guura oo kale, iyagoo ku weeraraya dhammaan deegaanada ay kaga sugan yihiin bariga Hirshabelle, laakiin qorshahaasi ayaa u fashilmay iyadoo ay Macawiisleydu weyday taageeradii ay uga baahneyd dhinaca Dowladda Federaalka.

Ciidanka Difaaca Shacabka ayaa sidoo kale waxay xilligaasi la wareegeen hoggaanka hawlgalada lagu la dagaalamayo Al Shabaab, walow aanu qorshahaasi u fulin sidii la rabay, sabab kastaba ha jirtee.

Macawiisleyda ayaa la aaminsan yahay in looga faa’iideysan karo in la wiiqo awoodda ciidan ee Al Shabaab, haddii Villa Somalia ay si dhab ah u garab istaagto.

Madaxda Qaranka ayaa lagu dhaliilaa in ay ka mashquuleen la dagaalankii Al Shabaab, taasna ay keentay in Shabaabku ay dib u soo qabsadaan dhulkii laga saaray saddex sano ka hor.

Ciidanka Macawiisleyda oo ah dadkii deegaanka ee kala garanayay dhulka lagu la dagaalamayo Al Shabaab ayaa madaxda iyo shacabkaba tusay in ay door weyn ka qaadan karaan in dalka laga ciribtiro Shabaabka hubeysan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc