Home Wararka Caalamka Israel oo dib u bilowday weeraradii Gaza, markii ay Xamaas ku eedeysay inay heshiiska jebisay

Israel oo dib u bilowday weeraradii Gaza, markii ay Xamaas ku eedeysay inay heshiiska jebisay

by Laacib

Militariga Israel ayaa caawa dib u bilaabay duqaymihii ay ka gaysanayeen Marinka Gaza, ka dib markii Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu amar ku bixiyay in si dhakhsa ah loo bilaabo duqaymo xoogan oo ka dhan ah Gaza.

War ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaare Netanyahu ayaa Taliska Militariga lagu faray in ay weeraro xoog leh ka gaystaan Gaza. Warka ayaa lagu sheegay in Xamaas ay si cad ugu xadgudubtay heshiiskii lagu joojinayay dagaalka.

Netanyahu ayaa goor sii horreysay oo maanta ah Xamaas ku eedeeyay in ay jebisay heshiiskii xabad joojinta ee labada dhinac ay gaareen 9-kii bishan.

Netanyahu ayaa sheegay in Xamaas ay Isniintii soo gudbisay naxash uu ku jiro lafaha muwaadin aan Israeli ahayn.

Netanyahu ayaa ku goodiyay in Israel ay jawaab adag ka bixi doonto xadgudub uu Xamaas ku eedeeyay inay ku sameysay heshiiskii ay saxiixeen.

Xamaas waxay sheegtay inay xalay wareejisay sanduuq uu ku jiro lafaha mid ka mid ah maxaabiistii Israeliyiinta ee dhimatay.

Xamaas ayaa Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ku eedeysay in ay sameynayso been abuur, si ay u gaysato gardarro ka dhan ah dadka reer Gaza.

Amarka Netanyahu ayaa soo afjaraya xabad joojin jilicsan, oo tan iyo markii la dhaqangeliyay ka jirtay Marinka Gaza.

Xafiiska Warfaafinta Gaza ayaa sheegay in Israel ay gaysatay 125 weerar oo xadgudub ku ah xabad joojinta, laga soo bilaabo markii ay dhaqangashay 10-kii bishan. Xafiiska ayaa qoraal ku sheegay in weeraradaasi ay ku dhinteen 94 Falastiiniyiin ah.

Madaxweyne Donald Trump oo ah hoggaamiyaha ka soo shaqeeyay xabad joojinta Gaza ayaan la aqoon tallaabada uu maamulkiisu qaadi doono.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc