Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay duulaanka hawada ay Israel ku qaadday Marinka Gaza

Wararkii ugu dambeeyay duulaanka hawada ay Israel ku qaadday Marinka Gaza

by Laacib

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa xalay si saf mareen ah u garaacay deegaanada koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga Marinka Gaza, iyadoona duulaankan hawada uu halis gelinayo xabad joojintii jilicsaneyd ee tan iyo 10-kii bishan ka jirtay Marinka Gaza.

Telefishinka Al Jazeera oo soo xiganaya ilaha caafimaadka ee Gaza ayaa ku waramay in ugu yaraan 18 qof oo dad rayid ah ay ku dhinteen weeraradan, ku dhawaad 50 kalena ay ku dhaawacmeen.

CNN ayaa daabacday in ugu yaraan 20 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur lagu dilay duqaymaha ka dhacay guud ahaan Gaza.

Afhayeenka Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza, Mahmoud Basal ayaa sheegay in shaqaalahooda ay xalay oo dhan daadgureynayeen dad fara-badan oo wax ku noqday duqaymaha Israel.

Wakaaladda Wararka Falastiin ee WAFA ayaa sheegtay in diyaaraadaha dagaalka Israel ay isaga daba noqnoqdeen xeryaha ay dadka barakacayaasha degan yihiin Al-Mawasi iyo Nuseirat ee koonfurta iyo bartamaha Marinka Gaza.

Shabakadda Wararka Quds ee Falastiin laga leeyahay ayaa tebisay in Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza ay ka mid tahay meelaha sida ba’an loo garaacay.

Waxaa laga cabsi qabaa in uu jiro khasaare baaxad leh, marka aad eegto in hawlgalka samatabixinta uu weli ka socdo Marinka Gaza.

Warbaahinta maxaliga ayaa dadka deegaanka ka soo xigatay in Ciidanka Cirka Israel ay sii wadaan duqaymaha ay ka gaysanayaan goobaha qaar ee Gaza.

Militariga Israel ayaa weerar ballaaran oo xagga cirka ah ku qaaday qaybaha Gaza, iyagoo fulinaya amar ka soo baxay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu oo ku aaddan in la duqeeyo Gaza.

Netanyahu ayaa sheegay in Xamaas ay ku xadgudubtay heshiiskii lagu soo celinayay lafaha maxaabiistii Israeliyiinta ee dhimatay, sidaasi daraadeedna ay Israel si adag uga jawaabi doonto.

Warbaahinta Israel ayaa ku warameysa in Netanyahu uu bixiyay amarkan, ka dib markii Saraakiisha Israel ee Gaza ku sugan ay soo wariyeen in Xamaas ay rasaas ku furtay ciidamadooda ku sugan koonfurta Marinka Gaza, gaar ahaan deegaanka Rafah.

Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in haba yaraatee aanay wax lug ah ku lahayn, waxa ay Israeliyiintu ku sheegeen toogasho ka dhacday Rafah.

Xamaas ayaa sheegtay in eedeynta aan saxda ahayn ay Israel dooneyso inay marmarsiyo uga dhigto duqaymaheeda cirka ee dadka badani ku dhinteen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc