Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa si la yaab leh uga hadlay tallaabada ay Israel dib ugu soo cusbooneysiisay weeraradeedii Marinka Gaza, xilli dadku ay u dheg taagayeen jawaabta uu ka bixin doono xadgudubka weyn ay Israel ku sameysay heshiiskii xabad joojinta Gaza.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Israel ay xaq u leedahay in ay is difaacdo, haddii ciidamadeeda la soo weeraro.
Madaxweynaha oo Wariyeyaasha kula hadlayay diyaaradda Air Force One, xilli uu ku sii jeeday Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in uu fahamsan yahay in la dilay askari Israeli ah, isagoo aan sheegin in cidda dishay ay Xamaas tahay.
“Waxay dileen askari Israeli, markaas bay Israel dib u garaacday.” Ayuu yiri Madaxweyne Trump oo meesha ka saaray in tallaabadan ay khatar ku tahay xabad joojinta Gaza.
“Ma jirto wax khatar gelinaya xabad joojinta Gaza. Israel waa inay ka falcelisaa, haddii ciidamadeeda la dilo.” Ayuu yiri Trump.
Trump ayaa ku celiyay hanjabaaddiisii ahayd in Xamaas la burburin doono, haddii aysan wanaajin habdhaqankeeda. Trump ayaa Xamaas ku sifeeyay mid yar oo ka mid ah heshiiska Bariga Dhexe.
Ciidanka Cirka Israel ayaa xalay bilaabay inay garaacaan qaybaha Gaza, ka dib markii Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu Taliska Militarigu ku amray in duqeeyo Marinka Gaza.
Hoggaamiyaha Israel ayaa Talaadadii Xamaas ku eedeeyay inay Isniintii soo wareejisay naxash uu ku jiro lafaha muwaadin aan Israel u dhalan, isagoona ku hanjabay in Israel ay jawaab xoog badan ka bixin doonto xadgudub uu sheegay inay ku sameysay heshiiskii lagu soo celinayay maxaabiista.
Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in Netanyahu uu bixiyay amarkan, ka dib markii Saraakiisha Israel ee Gaza ku sugan ay soo wariyeen in Xamaas ay rasaas ku furtay ciidamadooda ku sugan deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.
Xamaas waxay si adag u beenisay in ay ku lug leedahay toogashada la sheegay inay ka dhacday Rafah. Xamaas oo eedeyntan ku tilmaamtay mid been abuur ah ayaa sheegtay in Israel ay dooneyso inay marmarsiyo uga dhigto dadka faraha badan ee ay ku dishay duqaymaheedii ugu dambeeyay ee ay Gaza ka gaysatay.
Ugu dambayn tirada dadka rayidka ah ee ku naf waayay duulaanka hawada ee Israel ayaa gaartay 63 qof, sida ay sheegeen ilaha caafimaadka ee Gaza.
Mahmoud Basal, Afhayeenka Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ayaa sheegay in weli ay shaqaalahoodu wadaan gurmadka dadkii ku waxyeeloobay duqaymaha Israel.
Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka oo ah ninka ka soo shaqeeyay xabad joojinta Gaza ayaa 13-kii bishan saxiixay in aysan Israel jebin doonin xabad joojinta Gaza, isagoona xilligaasi Magaalada Sharm El-Sheikh kaga dhawaaqay in uu dhammaaday dagaalkii Gaza.