Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa xalay booqday Xarunta Isku-dubaridka Militariga iyo Rayidka ee Mareykanka uu dhawaan ka furay koonfurta Israel, si loola socdo heshiiska xabad joojinta Gaza iyo hubinta in gargaarka uu si caadi ah u gelayo Marinka Gaza.
Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka, JD Vance ayaa 21-kii bishan xaruntan ka furay deegaanka Kiryat Gat, halkaas oo la geeyay 200 oo ka mid ah Ciidamada Mareykanka ee ka hawlgala Bariga Dhexe. Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaana u xilsaaran agaasinka Ciidamada Nabad Ilaalinta ee dalalka gobolka iyo kuwa kale ee caalamka ee la gaynayo Marinka Gaza.
Xafiiska Netanyahu Israel ayaa sheegay in Raysal Wasaaruhu uu booqday xarunta uu Maraykanku hoggaamiyo ee Kiryat Gat ee xoogaga caalamiga ah ee kormeeraya xabad joojinta Gaza.
Xafiiska ayaa war uu soo saaray ku sheegay in Raysal Wasaaruhu uu halkaasi kula kulmay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee CENTCOM, Admiral Bradley Cooper iyo saraakiil kale.
“Waan ku faraxsanahay in aan saaxiibadayada Marekanka ku martigeliyo Kiryat Gat. Waxa ay naga la shaqaynayaan qorshe aan ku xaqiijinayno Gaza ka duwan middii hore. Gaza aan khatar ku ahayn Israel.” Ayuu Netanyahu ku sheegay warka ka soo baxay xafiiskiisa.
“Waxaan rabnaa in aan taas gaarno dhammaadka, iyadoo la raacayo qorshaha Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ee hub ka dhigista Xamaas iyo dejinta Gaza. Waxaan arrintan uga shaqeynaynaa si heerar ah, oo ay la socdaan qaybaha kale ee qorshaha.” Ayuu yiri Netanyahu.
Booqashada Netanyahu ee xaruntan ayaa imaneysa, ka dib markii ciidamadiisu ay habeen hore in ka badan 100 Falastiiniyiin ah ku dileen Marinka Gaza, iyadoo Netanyahu uu ku andacoonayo in Xamaas ay jebisay heshiiskii lagu soo celinayay lafaha maxaabiistii Israeliyiinta ee dhimatay.
Xadgudubkan ay Israel ku sameysay xabad joojintii 10-kii bishan laga dhaqangeliyay Gaza ayaa dhalisay walaac caalami ah.
Xamaas waxay sheegtay inay ka go’an tahay inay soo celiso lafaha dadkaasi, ha yeeshee ay waqti u baahan tahay, si ay uga soo saarto burburka dhismayaasha oo ay ku hoos jiraan, taas oo xukuumadda uu Netanyahu hoggaamiyo aysan dhageysaneyn.
Israel ayaa toddobaadkii hore Mareykanka ku gacan seyrtay in la bilaabo wada-xaajoodka wejiyada xiga ee qorshaha Madaxweyne Trump ee lagu soo afjarayo dagaalka Gaza, iyadoona ku xirtay shuruudda ah in Xamaas ay soo dhameystirto lafaha harsan.
Trump ayaa fahamsan in Israel ay carqaladeynayso xabad joojintii uu Mareykanku ballanqaaday in ay ilaalin doonaan, haddana ma muuqato wax tallaabo ah oo Trump uu ka qaadayo Madaxda Israel.
Israel iyo Xamaas ayaa 9-kii bishan saxiixay heshiis ku qotoma wejiga koowaad ee qorshaha Trump ee nabadeynta Gaza, kaas oo isugu jira xabad joojinta Gaza iyo is dhaafsiga maxaabiista. Wejiyada kale ee harsan ayaa la doonaya in lagu xaqiijiyo hub ka dhigista Xamaas iyo in is faham laga gaaro xalka labada dal ee Falastiin iyo Israel.
Israel ayaa gebi ahaanba diidan in Xamaas ay ka sii jirto Gaza, iyadoo u aragto mid khatar dhab ah ku ah ammaankeeda, haddana ma hayso waddadii Xamaas meesha looga saari lahaa, taas oo ku xiran in laga heshiiyo Dowladnimada Falastiin.
 
  
  
  
  
  
  
 
