Home Dhacdooyin Madaxda Mareykanka iyo Shiinaha oo ku kulmay Garoonka Diyaaradaha Gimhae (SAWIRRO)

Madaxda Mareykanka iyo Shiinaha oo ku kulmay Garoonka Diyaaradaha Gimhae (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping ayaa Khamiistan ku kulmay Garoonka Diyaaradaha Gimhae ee Magaalada Busan ee dalkaasi Kuuriyada Koonfureed, iyagoona gaaray heshiis lagu yareynayo xiisadda ganacsi ee labada dal.

Beijing ayaa ogolaatay inay joojin doonto xayiraadaha macdanta naadirka ah, muddo hal sano ah, halka Washington ay dhimeyso canshuuraha saaran badeecadaha Shiinaha ee lala xiriiriyo wax soosaarka kiimikada ee loo adeegsado samaynta Fentanyl.

Heshiiska ayaa waxaa qayb ka ah in Beijing ay dib u bilaabi doonto iibsiga digirta laga keeno dalkaasi Mareykanka ee Soya.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa kulanka ka dib sheegay in kulankan uu yahay midkiisii ugu horreyay ee fool ka fool ah ee uu la yeesho Hoggaamiyaha Shiinaha, tan iyo bishii June ee sanadkii 2019.

Madaxweynaha ayaa kulanka ku sheegay dhagax dhigga booqashadiisa shanta maalmood ee Asia, waana kulankii 5aad ee ay labada hoggaamiye yeeshaan, tan iyo kal xileedkii hore ee Trump. Kulankoodii ugu horreyay ayay bishii April ee sanadkii 2017 ku yeesheen Gobolka Florida ee Mareykanka, iyadoo kulamadii xigayna ay yeesheen July 2017, December 2018 iyo June 2019.

Trump oo kulankan ku tilmaamay mid cajiib ah ayaa dhanka kale sheegay in Shiinuhu uu joojin doono xayiraadaha dhoofinta ee qaar ka mid ah birta ama macdanta naadirka ku ah dhulka, oo muhiim u ah teknolojiyadda baabuurta korontada ku shaqeeya iyo teleefanada casriga ah, isla-markaana uu iibsan doono xaddi badan oo digirta Mareykanka ah iyo wax soosaarka kale ee beeraha dalkaasi.

Trump ayaa xusay in Mareykanku uu dhimi doono canshuuraha laga qaado badeecadaha Shiinaha, isagoona Beijing ugu yeeray in ay xakameyso qulqulka daroogada Fentanyl-ka.

“Waxaan aaminsanahay inay dhab ahaantii qaadayaan tallaabo adag.” Ayuu yiri Trump oo tibaaxay in Madaxweyne Xi Jinping uu si adag u shaqayn doono, si loo joojiyo qulqulka daroogadan.

Trump ayaa sheegay in kulankoodu uu qaatay wax ka badan saacad iyo bar, isagoona ku qeexay guul weyn.

Dagaalka ganacsi ee labada dal ee ugu dhaqaalaha badan caalamka ayaa cirka isku shareeray, ka dib markii Trump uu canshuuro xad dhaaf ah ku soo rogay badeecadaha laga keeno Shiinaha.

Heshiiskan ay hadda gaareen ayaa loo arkaa qayb yar oo qaboojin ah amaba hoos loogu dhigayo dagaalka ganacsi ee Mareykanka iyo Shiinaha.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc