Wararka ka imanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xiisad ay ka taagan tahay deegaanka Godinlabe ee gobolkaasi.
Xiisaddan ayaa daba socdo bannaanbax ay Jimcihii dadka deegaanka ka dhigeen Godinlabe, isla-markaana ay dadku ku mucaaradsan yihiin warar suuqa soo galay oo sheegaya in laamaha amniga ee Galmudug ay jirdileen saddex nin oo dhallinyaro ah, kuwaas oo 19-kii bishii October ay xukuntay Maxkamadda Gobolka Galgaduud. Garsoorka Maxkamadda ayaa sheegay in raggaasi lagu waayay eedeymaha ku saabsan in 8-dii October ay gobolkaasi ku dileen hooyo iyo saddex hablood ay dhashay, waxayse maxkamaddu laba ka mid ah ku xukuntay min shan sano oo xarig ah, halka kan kalena ay saddex sano ku xukuntay.
Dadka deegaanka oo shalay isugu soo baxay waddooyinka Godinlabe ayaa la arkayay iyagoo taayaro ku gubaya, si ay ugu muujiyaan carradooda ku aaddan in maamulku uu ku khasbayo in ay qirtaan dilka dadkaasi.
Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ciidamo ay ku jiraan kuwa Ilaalada Madaxtooyada u dirtay deegaankaasi, ka dib markii maleeshiyaad deegaanka ah ay xireen waddada isku xirta Godinlabe iyo Dhuusamareeb.
Gaadiid ay la socdaan Ciidamada Galmudug ayaa Sabtidan gaaray deegaanka, waxayna gudaha Godinlabe ay xilligan isku horfadhiyaan maleeshiyaad ku heyb ah Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), kuwaas oo ah kuwa gadoodsameynaya.
Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in maleeshiyadan ay sidoo kale dhaqdhaqaaq ka waddo deegaanada hoostaga Magaalooyinka Cadaado iyo Baxdo.
Maleeshiyadan oo ay horkacayaan maleeshiyaad ka mid ah xubnaha qoysaska iyo ehelada ee raggan ayay wararku sheegayaan in ay ku soo wajahan yihiin Godinlabe.
Xaaladda oo ah mid aad u kacsan ayaa laga cabsi qabaa inay huriso isku dhac dhex mara ciidamada iyo maleeshiyadaasi.