Home Dhacdooyin Madaxweynaha Somaliya oo ka qaybgalay caleemo-saarka Madaxweynaha Tanzania (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliya oo ka qaybgalay caleemo-saarka Madaxweynaha Tanzania (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Dodoma kaga qaybgalay xafladda caleema-saarka ee Madaxweynaha Tanzania ee dib loo doortay, Samia Suluhu Hassan.

Madaxweynaha Somaliya ayaa ka mid ahaa madaxda ajaaniibta ee lagu soo martiqaaday munaasabadda markii labaad xilka loogu dhaarinayay haweeneyda Madaxweynaha ka ah dalkaasi.

Ciidamada amniga ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka magaalada, iyadoona la xadiday dhaqdhaqaaqa dadka ee magaaladaasi, ka dib rabshadihii hareeyay doorashadii dhowrka cisho ka hor ka dhacday dalkaasi.

Xafladda xilka loogu dhaariyay haweeneydan ayaa lagu qabtay fagaaraha ay dhoolatuska ku sameeyaan ciidamada dalkaasi ee Caasimadda Dodoma, oo dhaqan ahaan lagu qaban jiray fagaareyaasha la ogol yahay in ay dadweynuhu isugu soo baxaan.

Ammaanka goobtii xafladda ay ka dhacday oo la adkeeyay awgeed, dadweynuhu suurtagal uma ahayn in ay halkaasi gaaraan, illaa dad gaar ahi mooyee, balse waxay dadku si toos ah uga daawanayeen Telefishinka Qaranka.

Ka dib markii xilka loo dhaariyay, Madaxweyne Samia Suluhu waxaa lagu sharfay salaan sharafeed ay ciidamadu siiyeen.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Jacobs Mwambegele ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in haweeneydan ay heshay ku dhawaad boqolkiiba sagaashan iyo sideed (97.66%) ee codadkii la dhiibtay, inkastoo mucaaradku ay qaadaceen ka qaybgalka doorashada madaxtinimada ee dalkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc