Home Wararka Maanta Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Galgaduud oo la horkeenay ragga ku eedeysan dilka dumarka

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Galgaduud oo la horkeenay ragga ku eedeysan dilka dumarka

by Laacib

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Galgaduud ayaa maanta u fariisatay dhageysiga asbaabta rafcaan qaadashada ee qoyska dhibaneyaasha hooyo Sahra Cartan Xirsi iyo gabdhaheeda Nuurto Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed Maxamuud iyo Faa’isa Axmed Maxamuud, kuwaas oo 8-dii bishi October la sheegay in lagu dilay meel u dhow deegaanka Qaayib oo hoostaga Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug iyo qoyska dhibaneyaasha ayaa dhawaan rafcaan ka qaatay xukuno xabsi ah oo Maxkamadda Gobolka Galgaduud ay 19-kii October ku ridday saddex nin oo loo soo qabtay dilka dadkaasi, ka dib markii ay carro ka muujiyeen xukunadaasi oo aan ku filneyn ciqaabta dilkii lagu soo eedeeyay inay raggaasi gaysteen.

Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa laba ka mid ah eedeysaneyaasha oo lagu kala magacaabo Galad Axmed Xuseen iyo Cabdi Cismaan Cabdullaahi ku xukuntay min shan sano oo xarig ah, halka ay Ayuub Maxamed Cabdi ku xukuntay saddex sano oo xabsi ah.

Garsoorka Maxkamadda Rafcaanka ayaa dhageystay doodaha Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo qareenada difaacaya saddexdan nin ee dhallinyarada ah..

Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Galmudug, Cabdixakiin Maxamed Xirsi ayaa doodda ku soo geba-gabeeyay codsi uu maxkamadda ugu jeediyay in laga aqbalo asbaabta rafcaan qaadashada.

Qareenada eedeysaneyaasha ayaa dhankooda maxkamadda ka codsaday in la diido asbaabta rafcaan qaadasha, mar haddii Xafiiska Xeer Ilaalinta uu keeni waayay sida ay ku doodeen asbaab maangal ah, si waafaqsan Qodobka 216-aad ee ee XHCS (Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed).

Garsoorka ayaa waxaa u furan in uu ayido xukunadii ay ridday Maxkamadda Gobolka Galgaduud iyo in uu ogolaado asbaabta rafcaan qaadashada ee Xeer Ilaalinta iyo qoyska dhibaneyaasha.

Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka, Cabdullaahi Axmed Maxamed Cali ayaa ugu dambayn ku dhawaaqay in maxkamaddu ay dib ka soo sheegi doonto go’aankeeda.

Kiiskan ayaa noqonaya mid ka mid ah kiisaskii ugu xasaasinaa ee soo mara Maxkamadaha Magaalada Dhuusamareeb, ku dhawaad lix sano oo xafiiska uu joogay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Dadka deegaanka ayaa si dhow isha ugu haya go’aanka laga sugayo Garsoorka Maxkamadda Rafcaanka.  

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc