Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa gelinkii dambe ee maanta waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Somaliya u joogi doona dalkaasi, Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale waraaqaha safiirnimo ka guddoomay Safiiro kaloo cusub, oo dalalka Ingiriiska, New Zealand iyo Chile ay u soo magacaabeen dalkaasi.
Safiiradan ayaa howlahooda diblomaasiyadeed ka bilaabaya dalka uu dagaalku ka socdo ee Ukraine.
Madaxweyne Zelensky oo mid mid u qaabilay Safiiradan ayaa ugu hambalyeeyay inay dalalkooda ku metelaan dalkiisa.
“Maanta waxaan ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga, waxaana ugu hambalyeeyay bilowga xilka ay hayaan.” Ayuu yiri Madaxweynuhu oo warkan ku sheegay bartiisa X (Twitter).
“Mid walba si gaar ah ayaan ula hadlay. Waxaan ka wada hadalnay dhinacyada muhiimka ah ee iskaashiga, oo ay ku jiraan taageerada Ukraine, xoojinta cadaadiska cunaqabateynta ee Ruushka iyo horumarinta xiriirka laba geesoodka ah.” Ayuu yiri Zelensky.
Zelensky ayaa intaasi ku daray “Waxaan qiimeeyaa iskaashi kasta iyo fursad kasta oo aan si wadajir ah u xaqiijin karno. Waad ku mahadsan tihiin taageeradiina ee dalkayaga.”
Ukraine ayaa sanadkii afaraad dagaal kula jirta Ciidamada Ruushka ee ku soo duulay dalkeeda.
Si kastaba ha-ahaatee Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa dhowrkii sano ee u dambeysay ku magacawnaa Safiirka Somaliya ee Serbia. Xilkan ayaa loo magacaabay bishii June ee sanadkii 2022
