Golaha Wasiirada Puntland ayaa go’aamiyay in Wasaaradda Amniga Puntland dib loogu celiyo adeegga bixinta deganaanshaha iyo dal-ku-galka ee dadka wata basaboorada shisheeye ee imanaya deegaanada Puntland, sida lagu sheegay war Khamiistan ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhawaan ka hortimid hannaanka e-VISA ay Dowladda Federaalka soo rogtay bishii September, kaas oo dadka wata basaboorada ajaaniibta ku riixaya inay Online-ka ka soo goosteen fiisaha dal-ku-galka, bedelkii ay markii hore ka qaadan jireen garoomada diyaaradaha ee dalka.
Qof kasta oo dalka soo booqanaya ayay dowladdu ku xirtay in uu fiisaha ka dalbado bogga Laanta Socdaalka, uuna u baahan yahay in uu bixiyo 64 dollar, si ay ugu soo dhacdo farriinta xaqiijinta ee in dal-ku-galku uu haysto.
Dowladda Federaalka ayaa shirkadaha diyaaradaha ku wargelisay inaysan soo qaadi karin rakaabka aan wadan dal-ku-galka e-VISA.
Go’aanka Puntland ayaa culeys ku noqonaya dadka wata e-VISA, kuwaas oo ay khasab tahay in khidmad kale oo lacageed ay bixiyaan, marka ay ka soo deggaan garoomada Puntland, si loo siiyo dal-ku-gal labaad.
Dhanka kale Golaha Wasiirada Puntland ayaa isku raacay in laga bilaabo 1-da bisha January ee sanadka soo socda ee 2026 la hawlgeliyo Hay’adda Aqoonsiga & Diiwaangelinta Puntland ee PID.
Hay’addan ayaa bixin doonto kaar aqoonsi oo gaar ah oo dadka reer Puntland la siinayo, taas oo liddi ku ah siyaasadda qaran ee Dowladda Federaalka ay ku diiwaangelineyso, isla-markaana ay aqoonsiyada ku siineyso muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka ayaa bishii April dhameystirtay shuruudaha laga doonayo muwaadiniinta qaadaneysa kaarka aqoonsiga.
Hay’adda Diiwaangelinta Aqoonsiga Dadweynaha ee NIRA ayaa haatan si firfircoon uga shaqeynaysa meelo ka mid ah dalka.
Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa xumaaday bartamihii sanadkii 2023, markaas oo ay is qabteen Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
Khilaafka Villa Somalia iyo Puntland ayaa cirka isku shareeray, ka gadaal markii Puntland ay 31-kii bishii March ee sanadkii 2024 ku dhawaaqday in ay hakisay wada shaqayntii ay la lahayd Dowladda Federaalka, iyadoo ka jawaabeysa tallaabada Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay 30-kii bishaasi ku ansixiyeen wax ka bedel lagu sameeyay 4 ka mid ah 15-ka cutub ee uu ka kooban yahay Dastuurka KMG.