Militariga Itoobiya iyo Jabhadda Gobolka Tigrayga ee TPLF ayaa laga cabsi qabaa in mar kale uu dagaal ka dhex qarxo, ka dib heshiiskii Pretoria ee bishii November ee sanadkii 2022 lagu soo afjarayay colaadda labada dhinac.
Heshiiskan xabad joojinta oo la saxiixay 2-dii bishii November ee 2022, isla-markaana dhaqangalay 3-dii bishaasi ayaa horseeday in la soo afjaro laba sano oo dagaal buuxa ah.
Saddex sano oo heshiiska xabad joojinta uu shaqeynayay, dhacdoooyin dhowr ah oo heshiiska wiiqaya ayaa bishan November laga soo wariyay meelo ka mid ah dalkaasi, iyadoona dhinacyadu ay maalmahaanba isku jeedinayeen hadalo loo arko kuwo xiisadda sii hurinaya.
Jabhadda TPLF ayaa Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ugu baaqday inay soo farageliyaan, waxa ay jabhaddu ku tilmaamtay duqaymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Dowladda Itoobiya, taasoo jebisay heshiiskii nabadda ee Pretoria.
Hoggaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael ayaa Jimcihii waqad uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres iyo Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Yuusuf Cali wuxuu ku eedeeyay Dowladda Itoobiya inay xadgudub qaawan ku sameysay heshiiskii lagu soo afjaray dagaalka labada sano ka socday waqooyiga Itoobiya.
Hoggaamiyaha TPFL ayaa warqadda ku xusay in safar shaqo oo dhawaan uu Madaxweynaha KMG ee Maamulka Gobolka Tigrayga, Tadesse Werede uu ku tegay koonfur gobolkaasi ay soo weerareen kooxo hubeysan oo ka hawlgala Gobolka Canfarta, isla-markaana ay taageerto Addis Ababa, iyadoo ay ujeedadoodu ahayd in la carqaladeeyo booqashada wafdigiisa iyo in khatar la geliyo noloshooda, taasna ay keentay in dad dhintaan, kuwo kalena ay dhaawacmaan.
Debretsion Gebremichael ayaa dib u xaqiijiyay, sida dhinacooda ay uga go’an tahay inay ixtiraamaan heshiiskii Pretoria, wuxuuna Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka uu ku booriyay in cadaadiska diblomaasiyadeed ee lagama maarmaanka ah la saaro Dowladda Itoobiya, si ay u joojiso xadgudubyada ay gaysaneyso ee ka dhanka ah nabadda, isla-markaana ay u ilaaliso waajibaadka ka saaran heshiiska iyo inay dib u furto wada hadal daacad ah oo hore loogu sii soconayo.
Xukuumadda Raysal Wasaare Abiy Ahmed ayaan weli wax war ah ka soo saarin eedeymahan ugu dambeeyay ee uga yimid Hoggaanka TPLF.
Gudaha Itoobiya ayaa waxaa ka jirta baqdin ay dadku ka muujinayaan suurtagalnimada in dagaal ballaaran uu ka dhex qarxi karo Militariga Itoobiya iyo Jabhadda TPLF.
Tani ayaa imaneysa, iyadoo dagaal culus uu ka socdo dalka ay deriska yihiin ee Suudaan, duniduna ay walaac ka muujineyso dhacdooyinka argagaxa leh ee laga soo warinayo dalkaasi.