Home Dhacdooyin Baarlamaanka Somaliya oo u codeeyay in 14-ka October loo aqoonsado Maalin Qaran

Baarlamaanka Somaliya oo u codeeyay in 14-ka October loo aqoonsado Maalin Qaran

by Laacib

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta ansixiyay qaraar lagu dalbanayay in 14-ka October loo aqoonsado Maalin Qaran.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa 3-dii bishan ka dooday soo jeedin ku saabsan in 14-ka October loo aqoonsado maalin uu qaranku xuso qaraxii nafaha badan galaaftay ee 14-kii bishii October ee sanadkii 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

587 qof ayaa loo diiwaangeliyay in ay ku dhinteen qaraxaasi, in ka badan 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen, wuxuuna noqonaya weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca dalka. Weerarkan ayaa sidoo kale lagu tilmaamaa kiisii ugu khasaaraha badnaa ee hal mar ka dhaca goob ku taala Afrika.

Xubno ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa soo gudbiyay mooshin ay golaha ku weydiineysanayeen in mudnaan gaar ahi la siiyo xasuuqii ugu weynaa ee dalka ka dhacay, si sharci looga dhigo in la xuso.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo cod u qaaday ayaa waxaa ogolaaday 137 Xildhibaan, waxaana diiday laba Xildhibaan, halka hal Xildhibaan uu ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow oo shir guddoominayay kulankii maanta.

14-ka October ayaa waxay hadda ka dib noqon doontaa Maalin Qaran oo fasax ah, si loo xusuusto dadkii lagu laayay qaraxaasi oo cidina aysan sheegan, inkastoo si dhow loola xiriiriyo maleeshiyada Al Shabaab.

Qaraxan oo sideed sano ka hor dhacay ayaan ka go’in xusuusta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc