Ugu yaraan sideed qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay qarax xoogan oo caawa ka dhacay magaalo madaxda dalkaasi India ee New Delhi.
Qaraxan ayaa ka dhashay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo ku qarxay meel u dhow Qalcadda Cas ee taariikhiga ah ee India ee Caasimadda New Delhi.
Qaraxa ayaa gaystay burbur iyo dab ka kacay tiro baabuur ah oo mareysay meel aad ugu dhow mid ka mid ah irdaha laga galo saldhigga tareenada ee Red Fort.
Ciidanka Dab-demiska oo halkaasi gaaray ayaa dabka baqtiiyay, iyadoona Saraakiisha Booliska New Delhi ay sheegeen sababta ka dambeysay qaraxa in la baarayo.
Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in ay goobta ka qaadeen meydadka sideed qof iyo dhaawaca sagaal iyo toban kale.
Om Prakash Gupta oo ka mid ah dadka reer New Delhi ayaa sheegay in isagoo hoygiisa jooga uu maqlay qarax aad u weyn.
“Carruurtayda ayaan la soo cararay, waxaana arkay dhowr baabuur oo gubaneysa.” Ayuu yiri ninkan oo ku sugnaa meel aan sidaasi uga fogeyn goobta uu qaraxu ka dhacay, lana hadlay Wakaaladda Wararka AP.
Khasaaraha ayaa laga cabsi qabaa in uu ka badan yahay tirada la shaaciyay, marka aad eegto goobta uu ka dhacay oo aad u saxmad badneyd.
Qalcadda Cas ee magaalada ayaa ah meel ay dadku ku badan yihiin, waxaana soo booqda dalxiiseyaasha shisheeye.
Wasiirka Arrimaha Gudaha India, Amit Shah ayaa Warbaahinta u sheegay in baaritaanka la bilaabi doono, isaga oo intaasi ku daray in muuqaalada ay duubeen kaamirooyinka amniga ee waddada ku xiran ay qayb ka noqon doonaan baaritaanka.
Wasiirka ayaa ku waramaya in illaa iyo hadda ay ogyihiin in gaari Hyundai i20 ah uu ku qarxay nawaaxiga ishaarada taraafikada ee Qalcadda Cas, balse ma sheegin in cid la socotay gaarigaasi amaba in la garanayo cidda iska leh.
Raysal Wasaare Narendra Modi ayaa tacsi u diray qoysaska dadka ku dhintay iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay qaraxaasi.
