Home Dhacdooyin Dowladaha Somaliya iyo Algeria oo heshiisyo dhowr ah kala saxiixday (SAWIRRO)

Dowladaha Somaliya iyo Algeria oo heshiisyo dhowr ah kala saxiixday (SAWIRRO)

Somalia iyo Algeria

by Laacib

Dowladaha Somaliya iyo Algeria ayaa heshiisyo dhowr ah ku kala saxiixday Magaalada Algiers, iyadoona ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Algeria Abdelmadjid Tebboune.

Heshiisyadan oo lagu sheegay kuwo iskaashi ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Waxbarashada, Xanaanada Xoolaha iyo Batroolka ee labada dal.

“Waxaa heshiiska ka mid ah iskaashi ballaaran oo ay ka mid yihiin dhoofinta xoolaha, horumarinta beeraha, waxbarashada, shidaalka & gaaska dabiiciga ah iyo fududaynta socdaalka ee baasaboorka diblomaasiga Soomaaliga oo lagu siin doono fiisaha dal-ku-gal ah, marka ay gaaraan Aljeeriya.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.

Warka ayaa lagu sheegay “Heshiisyadan ayaa dhidhibada u taagaya iskaashi istiraatiiji ah oo dan u ah labada dal iyo shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed iyo Aljeeriya.”

Dowladda Algeria ayaa 500 oo ardayda Soomaaliyeed ah ugu yaboohday deeq waxbarasho, oo ay kaga faa’iideysan doonaan takhasusyada beeraha, kalluumeysiga iyo shidaalka.

Madaxweynaha Somaliya ayaa Madaxweyne Abdelmadjid Tebboune uga mahadceliyay deeqdan waxbarasho ee takhasusyada muhiimka u ah Somaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay shir jaraa’id oo isaga iyo dhiggiisa dalkaasi ay ku qabteen Xarunta Madaxtooyada ee El Mouradia ayaa Madaxweynaha iyo shacabka reer Algeria uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran, isaga oo xusay kaalinta ay Algeria kaga jirto difaaca danaha Afrika iyo garab istaagga dowladaha saaxiibka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa amaanay hoggaanka Madaxweyne Tebboune ee hirgelinta Sanduuqa Iskaashiga iyo Midnimada Afrika, isagoona ku sheegay hindise aragti fog leh oo xoojinaya wadajirka iyo horumarka qaaradda, isla-markaana Somaliya ay rajeynayso inay noqoto dal ka faa’iideysta sanduuqan.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Isniintii gaaray Algiers, ka dib markii uu casuumaad ka helay dhiggiisa dalkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc