Home Wararka Maanta Shirkadda FAVORI iyo Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde oo u muuqdo kuwo weli qoorta isku la jira

Shirkadda FAVORI iyo Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde oo u muuqdo kuwo weli qoorta isku la jira

by Laacib

Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, Cabdinaasir Maxamuud Gurey ayaa ka hadlay gadoodka ay maanta sameeyeen shaqaalaha garab rarata ee garoonkaasi.

Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in shaqaaluhu ay ka cabanayeen Shirkadda Turkiga ee FAVORI, arrintaana ay soo fara-geliyeen, si cabashadooda xal loogu helo.

“Dadkaasi kama aanay cabaneyn dowladda iyo cid kale midna ee waxay ka cabanayeen Shirkadda FAVORI ee Turkida, waxayna ka sheeganayeen xuquuqdii ay ku lahaayeen inay ka waayeen, waana wax adduunka oo dhan ka dhaca oo mudaaharaadka silmiga ah ee dadka shacabka ahi xuquuqdooda ama shaqaalaha ay ku raadsanayaan, adduunka maalin walba way ka dhacdaa, wax hadda garoonkan u gaar ah ma ahan.” Ayuu yiri Maareeyaha.

Maareeyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa yiri “Waa wax sax ah oo loo baahan yahay in dadka xaqooda ay sheegtaan, haddii ay jirtana la xaliyo oo xuquuqdooda loo soo celiyo, haddii kale aysan jirina wax meesha ka baxaaya ay noqoto.”

Maareeyaha ayaa tilmaamay in ay soo fara-geliyeen cabashada ay qabaan shaqaalaha, wixii xuquuq ah oo ka maqana ay heli doonaan.

“Wax weyn oo kale oo meeshaan ka dhacay ma jirin, ka bacdi gacantaa ku qabanay arrintii waana xalinay, dadkaasina wixii xuquuq ah oo ka maqan way helayaan xaqoodii, waana ugu maqanahay, haddii Ilaahay yiraahdo, xaq bayna u leeyihiin inay soo jeediyaan cabashadooda, waana arrin muwaadin kastaa uu xaq u leeyahay.” Ayuu yiri Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde oo xusay in shaqaaluhu ay dib shaqadooda ugu soo laabteen.

“Al Xamdulillaah Ilaahay waa nagu guuleeyay inay shaqadoodii dib ugu noqdaan, annagana aan cabashadoodii ka soo jawaabno. Annaga oo kaashanayna Wasaaradda Duulista, hay’adaha amniga sida NISA iyo Taliska Booliska oo aad aan ugu bogaadinayno inay shaqadan nala qabteen, dadkana ay si silmi ah oo xushmad leh iyo Soomaalinimo ah ula dhaqmeen.” Ayuu yiri Maareeyuhu.

Maareeyaha ayaa intaasi ku daray “FAVORI haddii xuquuq ay ka maqan tahay aan u caddaalad samayno oo iyana xaqeeda ay hesho, maadaama ay tahay shirkad wadanka degan oo ka shaqeynaysay.”

Cali Maxamed oo ka mid ah Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde ee gadoodka sameeyay ayaa sheegay in cabashadan ay sameeyeen ay ka dambeysay, ka dib markii Shirkadda FAVORI ay ceyrisay 15 ka mid ah shaqaalaha.

“Hadda cabashadan cusub waxaa soo siyaadiyay waa 15 qofood oo shaqaalaha ah oo macno la’aan lagu yiri idiinma baahnin, iridana ka baxa.” Ayuu yiri Cali Maxamed oo intaa raaciyay “Wax cudurdaar ah oo loo sheegay ma jirto.”

Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad oo gaaray garoonka ayaa la kulmay masuuliyiin ay ku jiraan Maamulka Shirkadda FAVORI, isagoona u sheegay in wixii cabasho ah loo baahan yahay in wada hadal lagu dhameeyo, iyadoo aan la carqaladeyn howlihii shaqo ee garoonkaasi.

Maamulka Shirkadda FAVORI ayaa ku adkeysanaya in la bedelo xubno ka mid ah shaqaalaha, iyagoo ku eedeynaya in aysan si sax ah u soo xaadirin shaqada.

Ma cadda waxa mowqifka shirkadda uu ka bedeli karo shaqaalaha oo ka mudaaharaaday in qaarkood la eryo.

Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde ayay dhowr goor oo hore ay is qabteen Shirkadda FAVORI oo maamusha garoonkaasi, sababtu tahay shirkadda oo si uun uga caga jiideysa in mushaarka loo kordhiyo shaqaalaha.

Shirkaddan ayaa 15-kii bishii September ee sanadkii 2013 shaqada Garoonka Aadan Cadde kala wareegtay Shirkadda SKA oo laga leeyahay dalka Koonfur Afrika.

12 sano oo FAVORI ay gacanta ku haysay garoonka diyaaradeed ee dalka ugu weyn, waxaa la sheegaa muddadaasi inaysan wax dalacsiin ahi u samayn shaqaalaha hoose ee garoonka.

FAVORI ayaa lagu eedeeyaa in ay mudnaan gaar ahi siiso shaqaalaheeda ajaaniibta, taas oo keeneysa in ay is xulafeysi sameeyaan shaqaalaha Soomaalida, isla-markaana ay ka horyimaadaan awaamiirta shirkadda in qaarkood la eryi karo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc