Wararka ka imanaya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in xalay Isbitaalka Weyn ee magaaladaasi la keenay meydka gabar da’yar ahayd, oo u geeriyootay jirdil loogu gaystay waqooyiga Gaalkacyo.
Wararka ayaa sheegaya in dhowr qof oo haweeney ay ku jirto ay gabadha keeneen isbitaalka, iyagoo ku doodaya in ay koomo ku jirto, balse ay dhakhaatiirtu ogaadeen inay geeriyootay.
Maamulka Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo oo dhacdadan la wadaagay laamaha amniga ayaa u sheegay in loo keenay meydka gabar da’yar ah, isla-markaana uu ka muuqanayo jirdil loo gaystay.
Wararka ayaa sheegaya in gabadhu ay la nooleed qoys ay qaraabo yihiin oo degan magaalada, gaar ahaan qaybta ay Puntland maamusho.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Booliska ay soo xireen qof dumar ah, oo lagu sheegay haweeneydii guriga lahayd, inkastoo hay’adaha ammaanka aysan weli xaqiijin xarigeeda.
Dhakhaatiirka Isbitaalka Weyn ee Gaalkacyo ayaa laga soo xigtay in gabadhu ay ahayd dhowr iyo toban jir, isla-markaana ay u dhimatay ceeji ama xarig lagu sirqiyay.
Dhakhaatiirka ayaa sidoo kale laga soo xigtay inay jiraan nabaro ka muuqanaya jirka gabadhan, tacadiga noocan ahna ay muddo dheer la kulmeysay.
Barraha bulshada ayaa waxaa wareegaya muuqaalo laga arki karo in nabarada ay gabadhu qabto ay isugu jiraan kuwo cusub iyo kuwo hore, labadaba.
Dadka reer Gaalkacyo ayaa isla dhex maraya in labada waalid ee gabadha dhalay ay geeriyoodeen.
Dhacdadan naxdinta leh ayaa hadal hayn badan ka dhalisay Xarunta Gobolka Mudug ee Magaalada Gaalkacyo.
Dhacdooyinka argagaxa leh ayaad mooddaa in muddooyinka ay aad ugu soo badanayaan dalka.