Home Wararka Maanta Taliye Asad oo shir ku saabsan doorashada Muqdisho isugu yeeray Saraakiisha Booliska (SAWIRRO)

Taliye Asad oo shir ku saabsan doorashada Muqdisho isugu yeeray Saraakiisha Booliska (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa galabta shir guddoomiyay kulan uu isugu yeeray Saraakiiha Booliska, loogana hadlayay amniga doorashada dhawaan lagu wado inay ka qabsoomto Magaalada Muqdisho.

Muqdisho ayaa waxaa looga diyaargaroobaya Doorashada Golaha Deegaanka, oo la qorsheynayo in laga qabto Degmooyinka Gobolka Banaadir. Doorashadan ayaa ah mid ay dadweynuhu si toos ah ugu soo dooranayaan hoggaamiyeyaashii meteli lahaa.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa saraakiisha kala hadlay dardargelinta howlaha sugidda ee amniga doorashada soo socota.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu saraakiishu kala hadlay u diyaargarowga xuska musaanabadda sanad guurada 82aad ee aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku beegan 20-ka bisha December.

“Taliye Asad ayaa saraakiisha faray in la dardargeliyo howlaha sugidda amniga, si gaarana la isaga xil saaro ilaalinta goobaha ay tagayaan dadweynaha codbixiyeyaasha. Waxa uu saraakiisha kala dardaarmay waayeelka, haweenka iyo dadka naafada in caawin gaara loo sameeyo.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Booliska.

Doorashada Dowladda Hoose ee Xamar ayaa lagu wadaa in dadweynuhu ay qaab qof iyo qof ah ku soo doortaan xubnaha u sharaxan.

Doorashadan ayaa tijaabo u ah qorshaha Villa Somalia ay dalka ku gaarsiineyso doorashada ay sida tooska ah dadweynuhu codkooda ugu dhiibanayaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc