Taliska Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in hawlgal ballaaran ay ciidamadu maalintii labaad ka wadaan deegaanada dhaca jiinka Webiga Jubba ee hoostaga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.
Taliska ayaa war uu caawa soo saaray ku sheegay in hawlgalka ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidanka Qaybta 43aad, Kumaandooska Danab iyo qaybaha kala duwan ee Ciidamada Jubbaland.
“Hawlgalka ayaa lagu burburiyay fariisimo ay kooxaha argagixisada ka soo abaabuli jireen falal ay ku dhibaateynayeen shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa sheegay in hawlgalka uu isugu jiro mid dhul iyo cirba leh, isla-markaana ay duqaymaha cirka fulinayaan diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ee Ciidanka Xoogga Dalka ka taageeraya dhanka hawada.
Taliska ayaa warka ku sheegay in sidoo kale hawlgalka lagu burburiyay goobo ay maleeshiyada Al Shabaab ku kaydsanayeen hubkooda.
“Hawlgalkan ayaa qayb ka ah dadaalka ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ugu jiraan sifeynta haraadiga Khawaarijta ee gabaadka ka dhigtay dhulka hawdka ee Jubbada Hoose.” Ayaa lagu yiri warka.
Jamaame ayaa noqotay meel aysan ciidamadu gaari karin, ka dib markii ay guuldareysteen isku dayo dhowr ah, oo ciidamada la doonayay in ay ku xoreeyaan degmadaasi.
Bishii March ee sanadkii 2024, ciidamada ayaa guluf ballaaran ku qaaday degmadaasi, walow ay ka gudbi waayeen dhufeysyada ay Shabaabku ku leeyihiin hareeraha waddada laamiga ee tagta degmadaasi iyo weliba webiga jiinkiisa.
Hawlgalkii ballaarnaa ee sanadkii hore, wuxuu ahaa midkii ugu dhawaa ee ay ciidamadu ku qaban karayn Jamaame, marka aad eegto in ay gaareen meel aad ugu dhow Buundada Araare, oo ah marinka looga gudbo Webiga Jubba, marka loo socdo dhinaca Degmada Jamaame. Buundada Araare ayaa qiyaastii 7km u jirta degmadaasi.
Shabaabka ayaa Jamaame ku leh mid ka mid ah difaacyadooda ugu waaweyn ee ay ka difaacayaan Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Shabaabka ayaa waxay Jilib ku leeyihiin xaruntooda ugu weyn ee dalka, waxaana xusid mudan in Gobolka Jubbada Dhexe uu yahay gobolka keliya ee dalka ee ay Shabaabku ka wada arrimiyaan.
