Home Dhacdooyin Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo sheegtay in la jabsaday nidaamka e-VISA ee Somaliya

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo sheegtay in la jabsaday nidaamka e-VISA ee Somaliya

by Laacib

Mareykanka ayaa sheegay in kooxo burcad internet-ka oo aan la aqoonsan ay jabsadeen hannaanka fiisaha dal-ku-galka Somaliya ee e-VISA.

Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa xalay sheegtay in ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan in tuugo aan la aqoon ay 11-kii bishan u dhaceen ama ay galeen nidaamka e-VISA ee Somaliya, isla-markaana ay suurtagal tahay in ay xadeen xogta 35 kun oo qof, oo ay ku jiraan kumanaan muwaadiniin Mareykan ah.

“Xogta sirta ah ee laga helay jabsashada, waxaa ka mid ah magacyada codsadayaasha fiisaha, sawirrada, taariikhda iyo meelaha ay ku dhasheen.” Ayaa lagu yiri war ay Safaaradda Mareykanka soo saartay.

Safaaradda ayaa sheegtay in inkastoo aysan xaqiijin karin in xogta shakhsiga ay qayb ka ahayd asbaabta loo jabsaday nidaamka fiisaha ee Somaliya, haddana waxay sheegtay in tani laga yaabo inay saamayn ku yeelato shakhsiyaadka codsaday dal-ku-galka Somaliya.

“Iyadoo Safaaradda Muqdisho aysan awoodin inay xaqiijiso in xogta shakhsiga ay qayb ka tahay jabsashada, haddana waxaa laga yaabaa inay saamayn ku yeelato shakhsiyaadka codsaday fiisaha Somaliya.” Ayaa lagu sheegay warka.

Safaaradda ayaa ku talisay in dadku ay la socdaan wararka Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Somaliya ee ku aaddan nidaamka fiisaha ee elektoroonigga dalka.

Safaaradda ayaa dadka u bandhigtay in wixii ku saabsan jabsashada xogta ay kala kaashan karaan Wakaaladaha Dowladda Mareykanka, sida Guddiga Ganacsiga Federaalka (FTC).

Dowladda Somaliya ayaa bishii September soo rogtay in dadka wata basaboorada ajaaniibta ee dalka soo booqanaya ay tahay inay Online-ka ka dalbadaan fiisaha dal-ku-galka, bedelkii ay markii hore ka qaadan jireen garoomada dalka, marka ay ka soo deggaan.

Qof kasta oo dalka soo booqanaya ayay dowladdu ku xirtay in uu fiisaha ka dalbado bogga Laanta Socdaalka, uuna u baahan yahay in uu bixiyo 64 dollar, si ay ugu soo dhacdo farriinta xaqiijinta ee in dal-ku-galku uu haysto.

Somaliland iyo Puntland ayaa ka horyimid nidaamkan cusub ee fiisaha lagu bixinayo, waxayna sheegeen in ay sii wadi doonaan hannaankii hore ee fiisaha looga qaadanayay garoomada diyaaradaha.

Tani ayaa culeys dhaqaale ku noqoneysa dadka ku safraya basaboorada shisheeye, kuwaas oo ay khasab ku noqoneyso in laba khidmadood ay bixiyaan, midda Online-ka iyo tan kale ay fiisaha uga qaadanayaan garoomada diyaaradaha ee Puntland iyo Somaliland.

Dowladda Federaalka ayaa horey shirkadaha diyaaradaha ugu wargelisay inaysan soo qaadi karin rakaabka aan wadan dal-ku-galka e-VISA.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc