Gudoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdiqaadir Aadan Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Wasiirka Amniga Galmudug, Aadan Warsame Cilmi (Deeq Gargareeto) ayaa wafdiga Gudoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Ushaka ee koonfurta Gaalkacyo.
Gudoomiyaha ayaa waxaa wafdiga uu hoggaaminayo qayb ka ah injineero ka tirsan hay’adda, iyadoona socdaalkooda Galmudug uu la xiriiro baaritaanada ugu dambeeya ee howlaha shidaal sahminta dalka.
Wasiirka Amniga Galmudug ayaa qoraal ku sheegay in wafdiga ka socda Dowladda Federaalka ay ku wajahan yihiin deegaanada dhaca xeebaha bari ee Gobolka Mudug, oo ka mid ah meelaha la qiyaasayo inay ku jiraan kaydka ugu weyn ee shidaalka dalka.
Warbaahinta ayaa fahamsan in wafdiga ay ku hormari doonaan Degmada Hobyo, halkaas oo lagu wado in bisha January ee sanadka soo socda ay baaritaan shidaal ka sameeyaan shirkadaha Mareykanka ee Liberty Petroleum Corporation iyo Coastline Exploration. Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkadahan sanadihii 2022 iyo 2024 u saxiixday xermooyin gaar ah, oo sahmin shidaal ay kaga sameynayaan xeebaha dalka.
Wasiirka Amniga Galmudug ayaa bogaadiyay dadaalada Hay’adda Batroolka Qaranka, wuxuuna ku booriyay in la dardargeliyo, isla-markaana la sameeyo sahmin dhab ah oo lagu ogaanayo khayraadka dabiiciga ah ee dhex ceegaaga gobolkaasi.
Wasiirka ayaa sheegaya in Dowlad Goboleedka Galmudug ay diyaar u tahay dhammaan iskaashiga lagama maarmaanka u ah hirgelinta howlaha qaranka ee lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka.
Wasiirka Batroolka & Macdanta Somaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa 10-kii bishii March ee sanadkan sheegay in boqolkiiba toddobaatan (70%) la dhameeyay sahminta shidaalka dalka, isagoo intaasi ku daray in bilowga sanadka 2026 la bilaabi doono qodista shidaalka.
Markabka Oruc Reis oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa 25-kii bishii October ee sanadkii 2024 ku soo xirtay Dekedda Muqdisho, kaas oo bishii xigtay ee November meelo ka mid ah dalka ka bilaabay baaritaan uu ku sahminayo meelaha uu kaydka shidaalka ee ugu badan uu ku jiro. Tani ayaa waxay ka dambeysay heshiis ay horaantii sanadkaasi kala saxiixdeen Dowladaha Somaliya iyo Turkiga.
Heshiiska iskaashiga tamarta ee labada dal ayaa saddex shati ama ogolaansho lagu siiyay Shirkadda Turkish Petroleum inay saddex goobood oo xeebaha dalka ah ka sameyso baaris shidaal.
Baaritaan horey loo sameeyay, laakiin haatan dib loogu noqonayo, si loo xaqiijiyo ayaa lagu ogaaday in Galmudug ay ka mid tahay meelaha uu ku jiro kaydka ugu badan ee shidaal ee dalka.
Horaan, Shirkadda Geoseismic ayaa cilmi baaris ku sheegtay in Somaliya ay leedahay kayd shidaal iyo gaaska dabiiciga ah oo u dhigma 30 bilyan oo fuusto.
Daahir Shire Maxamed, Wasiirka Batroolka Somaliya ayaa marar kala duwan sheegay in Somaliya ay mustaqbalka dhow noqon karto dal helay shidaal.
