Home Dhacdooyin Ninkii ganacsadaha ku dilay Guriceel oo dil toogasho lagu xukumay

Ninkii ganacsadaha ku dilay Guriceel oo dil toogasho lagu xukumay

by Laacib

Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku xukuntay eedeysane Cabdifitaax Cali Xasan Diiriye oo loo haystay dilka ganacsade Deeq Cabdi Jaamac, kaas oo 16-kii bishan lagu dilay Magaalada Guriceel.

Ciidamada ayaa habeenkii Axadda ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan eedeysanaha, xilli uu isku dayayay in uu ka baxsado gacanta sharciga.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug ayaa Cabdifitaax Cali Xasan oo ka mid ahaa dhallinyarada bajaajta uga shaqeysata Guriceel ku soo eedeeyay in uu si iskiis ah u go’aansaday inuu dilo ganacsade Deeq Cabdi Jaamac, isagoo uga aargudanaya dil uu ku andacooday in dad ay ehel yihiin u gaysteen nin ay ilmo adeer yihiin.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud, Garyaqaan Xasan Cabdullaahi Cali ayaa sheegay in maxkamaddu ay ninkaasi ku heshay in uu yahay dembiilaha dilay marxuum Deeq Cabdi Jaamac.

“Maxkamadda Gobolka Galgaduud waxay ku heshay eedeysane Cabdifitaax Cali Xasan Diiriye, ina Xaawo Cabdi Cilmi oo 20 jir ah, ku dhashay Dhuusamareeb, degan Guriceel inuu yahay dembiilaha galay dembiga lagu soo eedeeyay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku dib ku dhawaaqay in maxkamaddu ay ninkaasi ku xukuntay dil toogasho, oo ah qisaasta marxuum Deeq Cabdi Jaamac oo 37 jir ahaa.

“Maxkamadda waxay ku xukuntay Cabdifitaax Cali Xasan Diiriye dil toogasho, oo ah qisaasta marxuum Deeq Cabdi Jaamac.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud.

Maxkamadda ayaa dedejisay dhageysiga iyo xukunka kiiskan, iyadoo laga jawaabayo saamaynta ay dilalka aanooyinka qabaa’ilada ku yeesheen xasilloonidii Galmudug.

Dadka ayaa tani ku sheegaya farriin ay maxkamaddu u direyso maleeshiyaadka beelaha ee hubeysan, isla-markaana ku lugta leh dilalka aanooyinka beelaha ee ku soo badanaya deegaanada Galmudug.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc