Home Dhacdooyin Haweeneydii dishay Saabiriin Saylaan oo dil toogasho lagu xukumay (SAWIRRO)

Haweeneydii dishay Saabiriin Saylaan oo dil toogasho lagu xukumay (SAWIRRO)

by Laacib

Maxkamadda Darajada 1aad ee Degmada Gaalkacyo, qaybta Puntland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku xukuntay Hodan Maxamuud Diiriye, ka dib markii maxkamaddu ay ku heshay in ay si silic ah u dishay Saabiriin Saylaan Cabdille oo 14 jir ahayd.

Saabiriin Saylaan ayaa 12-kii bishan u geeriyootay jirdil muddo dheer loogu gaysanayay guriga qoyskii ay la nooleed, oo sida la sheegay ay ehel ahaayeen. Saabiriin ayaa ahayd gabar ay waalidiinteedu geeriyoodeen.

Maxkamadda ayaa sidoo kale waxay Cabdicasiis Nuur Xaashi, oo ahaa sayga Hodan Maxamuud ay ku heshay in uu dayacaad sameeyay, maadaama gabadha sida naxariis darrada ah loo dilay ay ku nooleed gurigiisa, waxaana ninkaasi lagu xukumay hal sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan shan boqol oo lacagta Mareykanka ah ($500).

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Degmada Gaalkacyo, Maxamuud Cabdisalaan Cabdille (Al Jabarti) ayaa ku dhawaaqay xukunada maxkamadda.

“Maxkamadda waxaa u caddaatay in dembi dhacay, eedeysaneyaashuna ay yihiin kuwii galay.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Gudoomiyaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Maxkamadda Darajada 1aad ee Degmada Gaalkacyo waxay ku xukuntay dembiile Hodan Maxamuud Diiriye, ina Xaawo Xasan 34 jir ah dil toogasho, oo ah qisaastii marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdille.”

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray “Maxkamaddu waxay ku xukuntay dembiile Cabdicasiis Nuur Xaashi Calas, ina Arda Maxamed hal sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya shan boqol oo dollar. Ciddii aan ku qancin go’aanka maxkamadda, waxaa u furan rafcaan.”

Kiiskan ayaa carro baahsan ka dhaliyay gudaha Magaalada Gaalkacyo, ka dib markii ay dadku daawadeen muuqaalo ay ka soo muuqatay Hodan Maxamuud, isla-markaana muujinaya iyadoo si bahalnimo ah ula dhaqmeysa marxuumad Saabiriin. Inta badan muuqaaladan oo laga helay teleefanka gacanta ee Hodan ayaa laga arki karay Saabiriin oo gacmaha iyo lugaha la isugu xiray oo xabadkana dhulka loo dhigay, isla-markaana ay Hodan garaaceyso.

Qaybta ugu argagaxa badan ee muuqaalada laga daawaday ayaa ah in iyadoo Saabiriin ay naf baxeyso, ay haddana Hodan sii wadday garaacistii ay ku haysay.

Hodan oo Khamiistii ay maxkamadeyntoodu ka bilaabatay Gaalkacyo ayaa ka dib, markii muuqaaladaasi fadhiga maxkamadda laga shiday ku andacooday in ay qabto xanuun mar mar ku soo kaca, isla-markaana aysan is ogeyn waxa ay mararka qaarkood sameynayso.

Hodan ayaa maxkamadda horteeda ka sheegtay inaysan is garaneyn, sida ay wax ka noqdeen, xilligii ay gabadha yar sidaasi u silcineysay.

Dadka reer Gaalkacyo ayaa bogaadiyay xukunka dilka ah ee haweeneydaasi lagu xukumay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc