Home Wararka Maanta Hawlgalka ka socdo Gobolka Galgaduud oo sii xoogeysanaya

Hawlgalka ka socdo Gobolka Galgaduud oo sii xoogeysanaya

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa ku wajahan deegaanka Xuseen Cagey oo hoostaga Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud, ka dib markii Axaddii iyo Isniintii ay gudaha u galeen deegaanada Baraagta Sheekh Caamir iyo Cali Heele oo sidoo kale hoostaga Galcad.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo hawlgal sifayn ah ka sameeyay dhulka hawdka ee u dhaxeeya Baraagta Sheekh Caamir iyo Xuseen Cagey ay qaybtooda cagta saareen waddada deegaanka Xuseen Cagey.

Hawlgalka sifaynta ee laga sameeyay dhulka hawdka ayaa ahaa mid ay ciidamada kaga saarayeen Shabaab aan badneyn oo ku sugnaa.

Dhulkan uu hawlgalku ka socdo ayaa ku dhow xadka uu Gobolka Galgaduud la wadaago Gobolka Shabellaha Dhexe, waxaadna arki kartaa in ciidamadu uu hawlgalkoodu khuseeyo Galgaduud.

Hawlgalkan ayaa waxaa hoggaaminaya cutubyo ka tirsan Guutada 77 ee Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Ururka 86aad ee Aar.

Ciidamada Aar iyo Xoogaga Macawiisleyda ee ku sugan aagga Baraagta Sheekh Caamir, oo ah qaybta labaad ee ciidamada ee hawlgalka wada ayaa la hadal hayaa suurtagalnimada in iyana ay weerari karaan deegaanka Cowsweyne oo hoostaga Degmada Galhareeri.

Ciidamadan ayaa caqabad kala kulmi kara safarka hawlgalkan ay ugu dhaqaaqayaan Cowsweyne, haddii aysan marka hore isku fidin, isla-markaana aysan sugin amniga dhulka hawdka ee u dhaxeeya deegaanadaasi.

Cowsweyne waa deegaan ay ku xoogan yihiin maleeshiyada Al Shabaab, iyagoona ku leh difaac weyn oo ay ka ilaaliyaan amniga Magaalooyinka Galhareeri iyo Ceelbuur.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa 22-kii bishii August ee sanadkii 2023 la wareegay gacan ku haynta Cowsweyne, inkastoo ay dib uga soo baxeen, ka dib weerar uu dhiig badani ku daatay oo Shabaabku ay ku soo qaadeen 26-kii bishaasi, waana maalmo yar uun ka dib, markii ciidamadu ay hawlgal ballaaran kooxaha argagixisada kaga saareen deegaankaasi. Dagaalkan oo weli ay dadku xusuusan yihiin ayaa lagu waayay saraakiil iyo askarba, kuwaas oo tan iyo xilligaasi aanay cidina dib dambe u arkin.

Saraakiisha Militariga ayaa ka dheregsan cawaaqibka uu leeyahay, haddii ciidamadu ay si taxadar la’aan ah ku wajahaan qabashada Cowsweyne, sababtoo ah waa deegaan macno badan u leh joogitaanka Al Shabaab ee Galhareeri iyo Ceelbuur, waana deegaanka Cowsweyne oo dusha ay ka ilaaliyaan Shabaabka ku daadsan hawdka ka soo horreya in la soo galo.

Taliyaha Ururka 86aad ee Aar, Cabdinuur Yuusuf Qadaaye ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay ka go’an tahay inay la dagaalamaan Shabaab, isla-markaana ay ka saaraan meelaha ay dalka kaga sugan yihiin, iyagoo kaashanaya buu yiri shacabka Soomaaliyeed. Taliyaha ayaa warkan ku sheegay wareysi uu Isniintii siiyay Idaacadda Codka Ciidamada.

Shabaabka ayaa 17 sano ka arriminayay Cowsweyne, waxaana inta ay taariikhda qoreyso laga saaray hal jeer, waana bishii August ee sanadkii 2023, markaas oo dhowr cisho ay bannaanka ka joogeen, dibna ay ugu suurtagashay in ay la wareegaan.

Ciidamada haatan dhaqdhaqaaqa ka wada gobolkaasi ayuu taliskoodu yahay deegaanka Masagawaa, iyadoo ayna u muuqdaan kuwo gurmadka ka heli kara illaa Degmada Ceeldheer.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc