Taliyaha Guutada 7aad ee Militariga Somaliya, Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) ayaa sheegay in maleeshiyaadka beelaha ee ay kula dagaalamayaan waddada Yaaq-bariweyne iyo Leego ay xiriir la sameysteen Al Shabaab.
Taliyaha ayaa ka digay in maleeshiyadaasi ay dooneyso in ay dadka deegaanka dhibaateyso, isla-markaana ay falkaasi ku eedeeyaan Ciidamada Qalabka Sida.
“Waxaan dowladda aan gaarsiinaynaa in nimankaas maleeshiyaadka ah hadda ay la xirteen Khawaarijta, rabaana hadhow inta deegaanka dad dhibaateeyaan inay yiraahdaan Ciidanka Dowladda ayaa dhibaateeyay. Annaga dadkan dadkeennii waaye, waa ehelkeennii, waa dadkan ciidanka u ahayn, dhibaatadooda ma rabno, wanaagoodaa rabnaa, way nala shaqeeyaan. Waxay nimankaas duurka ugu jiraan dad ay rabaan inay baco ku shiilaan.” Ayuu yiri Taliyaha oo warkan ku sheegay muuqaal uu maanta soo duubay, xilli ciidamadu ay hawlgal sifayn ah ka wadeen waddada xiriirisa Yaaq-bariweyne iyo Leego.
Taliyaha ayaa carabka ku adkeeyay in aysan ka waaban doonin inay la dagaalamaan kooxaha isbaarooyinka dhigta, isla-markaana ay gacanta ku soo dhigaan lixda nin ee dilka lagu xukumay, balse baxsadka ah.
“Ka istaagi mayno, amarka maxkamaddaana ku shaqaynaa, amarka Taliyeyaashaa ku shaqeynaynaa.” Ayuu yiri Taliyaha Guutada 7aad.
Taliyaha oo si hadlayay ayaa yiri “Insha’Allah waxaan gaarsiin doonnaa tuulooyinkan oo nabad ah, nabad xoolaha lagu ilaashado, nabad lagu ganacsado, nabaddana baryo laguma keeno. Waxaan ku keeni doonnaa sifo sharci ah, haddii uu Ilaahay yiraahdo.”
Axmed Cabdi Cali, Taliyaha Guutada 7aad ayaa u mahadceliyay odayaasha beelaha deegaanka, kuwaas oo uu ku amaanay in ay si dhow ula shaqeynayaan ciidamada.
“Waxaa aad u mahadsan deegaanadan qabaa’ilka ragaadiyay in dhammaan odayaashooda ay nala shaqeynayaan, xogaha ay nasiinayaan, meesha ay ku jiraana ay noo tilmaamayaan, Ilaahay idiinkiisana waan soo qaban doonnaa, gacanta dowladdaana ku simi doonnaa.” Ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha ayaa tilmaamay in kooxaha gaadiidleyda iyo dadka safarka ah u gala waddada iyo xubnaha kale ee baxsadka ah aysan gabaad u sii ahaan doonin bannaanada.
“Bannaan kuma noolaan doonaan, bannaankana iskuma celin doonaan. Annaga dowlad ayaan nahay, wax naga maqana ma jiraan, waana soconaynaa.” Ayuu yiri Taliyuhu.
Taliye Axmed Gaashaan ayaa intaasi ku daray “Amarkaas maxkamadda aan u hoggaansano, saacad walbana wixii aan qabano waan u gudbinaynaa, Ilaahay idiinkiis. Wixii la rabo ha loo fasiro. Annaga dowlad ayaan nahay, dowladaa na soo dirsatay.”
Axmed Gaashaan ayaa hoggaamiya ciidamada amarka lagu siiyay inay la dagaalamaan maleeshiyaadka isbaarooyinka dhigta iyo inay soo qabtaan lixda nin ee baxsadka uga maqan gacanta sharciga.
Hawlgalkan ayaa waxaa si wadajir ah isaga kaashanaya Ciidamada Guutada 7aad iyo Booliska Degmada Wanlaweyn, oo la faray in nolol ama geeri ay ku keenaan ragga dilka ku xukuman iyo in ay deegaanada hoostaga Wanlaweyn ka sifeeyaan maleeshiyaadka isbaarooyinka dhiganaya.
Ciidamada ayaa tan iyo toddobaadkii hore oo hawlgalka uu socdo gacanta ku soo dhigay sideed nin, oo ku eedeysan in ay ka mid yihiin kooxaha ku lugta leh isbaarooyinkaasi.