Arday u dhalatay dalkaasi Suudaan oo deeq waxbarasho ka heshay Dowladda Federaalka ayaa ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Ardaydan ayaa lagu wadaa in waxbarashada heerka sare ay ka bilaabaan Jaamacadda Ummadda ee Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdiqaadir Maxamed ayaa soo dhaweeyay ardayda ka timid dalka uu dagaalku ka socdo ee Suudaan.
“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxa ay mar walba xusuusan yihiin xiriirka walaaltinimo iyo taariikhda dheer ee ay la leeyihiin dalka Suudaan, oo leh abaal aan la ilaawi karin.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Wasaaradda Waxbarashada.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in ardayda maanta dalka timid ay yihiin qaybtii ugu horreysay, toddobaadyada soo socdana ay dalka iman doonaan arday kale oo reer Suudaan ah.
“Todobaadyada soo socdo waxaa dalka soo gaari doona arday kale oo reer Suudaan ah, iyadoo kuwa maanta yimid ay ahaayeen qaybtii ugu horreysay.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
15-kii bishii October ee sanadkii hore ee 2024 ayay ahayd, markii Wasaaradda Waxbarashada Somaliya ay sheegtay in ay deeq waxbarasho siineyso ardayda u dhalatay Suudaan ee ku nool dalka gudihiisa.
Dowladda Suudaan ayaa muddo dheer deeq waxbarasho siineysay ardayda Soomaaliyeed, waxayna garab istaagtay xilli adag, oo ay adkeyd in ay dibadda ka helaan deeqaha waxbarasho ee tacliinta sare.
