Home Dhacdooyin Madaxweynaha oo waraaqaha ka guddoomay Safiiro ay saddex haween yihiin (SAWIRRO)

Madaxweynaha oo waraaqaha ka guddoomay Safiiro ay saddex haween yihiin (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Arbacadan waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoomay sideed Safiir, kuwaas oo siyaabooyin kala duwan uu ugu qaabilay Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa munaasabad ku qabsoomtay Villa Somalia waraaqaha kaga guddoomay Safiiradan, oo saddex ka mid ah ay haween yihiin.

Safiiradan ayaa kala ah:-

Mohamed Salah Keshtah, Safiirka Masar

Indonesia Witjaksono Adji, Safiirka Indonesia

Hans Henric Lundvqist, Safiirka Sweden

Joshua Brenber Tabah, Safiirka Canada

Inés Fors Fernandez, Safiirka Cuba

Riina Riikka Heikka, Safiirka Finland

Siv Cathrine Moe, Safiirka Norway

Jaime Alejandro Moreno Bua, Safiirka Spain

Saddexda Safiir ee haweenka ah ee Madaxweynuhu uu waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay ayaa ka socda dalalka Cuba, Finland iyo Norway.

War ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa lagu yiri “Madaxweynaha oo ugu hambalyeeyay Danjireyaasha xilka loo soo igmaday ayaa la wadaagay in dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliya ay soo dhaweynayaan, kuna garab sinayaan gudashada waajibaadkooda diblomaasiyadeed, kaas oo ay ugu horreyso xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labo geesoodka ah.

Dhankooda, Danjireyaasha cusub ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiiyay salaan iyo farriimo ay ka sideen hoggaanka dalalkooda, waxa ayna muujiyeen in ay mudnaan siinayaan xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Somaliya, iyagoo ka mahadceliyay qaabilaadda iyo soo dhaweynta loogu sameeyay Villa Somalia.”

Waa markii labaad ee Madaxweynuhu uu waraaqaha aqoonsiga ka guddoomo Safiiradii ugu badnaa.

5-tii bishii August ee sanadkan ayay ahayd, markii Madaxweynuhu uu sidaan oo kale uu waraaqaha aqoonsiga uga guddoomay sideed Safiir, markaas oo ay noqotay tiradii ugu badneyd ee Safiiro ah uu mar keliya uu waraaqaha aqoonsigooda ka guddoomo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc